Guddoomiyaha Waddani Oo Booqday Goobtii Lagaga Dhawaaqay Gooni Isu-taaga Somaliland Ee Magaaladda Burco

0
424

Hargeysa (Dawan): Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wafti balaadhan oo uu horkacaayo oo maal mihii ugu danbaysay socdaal ku maraayey gobalada Saaxil iyo Togdheer ayaa shalay booqasho ku tagay gurigii laga’ga dhawaaqay dib ula soo noqoshada madax-banaanida Jamhuuriyada Somaliland ee 18/May/1991-kii oo ku yaala magaalada Burco. waxaana uu sida oo kale uu socod booqasho ah uu ku maray suuqyada badhtamaha magaalada Burco.
 
Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) oo ay booqashadan ku wahelinayeen Mujaahida wayn ee Sahra Halgan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga WADDANI,ayaa socdaalkan ay ku tageen gurigii laga’ga dhawaaqay Somaliland oo uu ka muuqdo bur’bur badan iyo dayacaad.
Guddoomiyaha Wadaani  oo ay booqashadan ku wahelinayeen Mujaahida wayn ee Sahra Halgan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga WADDANI,ayaa socdaalkan ay ku tageen gurigii lagaga dhawaaqay Somaliland oo uu ka muuqdo bur’bur badan iyo dayacaad ay xukuumada hada talada dalka haysaa aanay dib u xasuusanin wax ka qabashada gurigan.
Cabdiraxmaan Cirro oo   halkaasi ka hadlay ayaa dareen xooga ka muujiyey, goobtii lagaga dhawaaqay gooni isku taaga Somaliland, waxaana uu  sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay ka Xisbi ahaan ay maanta booqasho ku yimaadaan gurigii laga’ga dhawaaqay gooni isu taaga madax-banaanida Somaliland,waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay in la illaaliyo si ay jiilasha danbe ay u dareemaan in uu yahay bartii laga’ga dhawaaqay madax-banaanida Somaliland.
“Runtii waxaa ay noo tahay farxad qaaliya,in aanu goobtan taariikhiga ah aanu soo booqano maanta oo aanu booqasho ku nimi gobalka Togdheer magaalo madaxdiisa,oo ah goobtii ay shacbiga reer Somaliland isaga oo isu dhan,uu ku go’aan saday go’aankiisii taariikhiga ahaa.ee in uu dib ula soo noqdo madax banaanidiisii,xoriyadiisii,qaranimadiisii iyo dawladnimadiisii ee 18/May/1991-kii,waxaana haddii Alleh yidhaahdo ay halkani inooga baahan tahay in ay noqoto goob taariikhi ah oo aynu illaalino oo caruuteenu,caruurtoodu ay ka dhaxlaan oo ay ogaadaan go’aankii dib ula soo noqoshada halkii lagu gooyey Burco in ay ahayd iyo in ay goobtan ahayd ba in ay bartaan,in aynu caruurteena aynu u sheegno,in halkan aynu illaalino oo loo sameeyo dayr wayn oo taariikhi ah oo ay noqoto goob taariikhda Somaliland gasha,Jiilasha inaga dambeyaana ay dhaxlaan”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro).
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),ayaa waxaa uu sida oo kale uu ugu baaqay Xukuumadu in ay ka qayb qaadato illaalinta gurigani,waxaana uu tilmaamay in ay ka Xisbi ahaan dhisi doonaan goobtan si ay u noqota goob muhiim ah oo taariikhda Somaliland gasha.
“Waxaan u soo jeedinaynaa in dhulkan la illaaliyo maamulka gobalka,ka dagmada iyo dawlada dhexeba oo ay halkani noqoto mid umaddu ay leedahay waligeedna ay yeelato,ayaan u soo jeedinaynaa,lana illaaliyo.Haddii ay dawladu wax ka qabanaysana ay ka qabato,laakiin haddii Alleh yidhaahdo haddii aanu maamulka Somaliland aanu nimaadno waxaanu jecel nahay in aanu maamulka Somaliland aanu wax ka qabano oo taariikh deeda aynu dib u xusno,oo hagaajino oo qurxino oo ay noqoto goob taariikheed oo madxaf ah”Ayuu yidhi Md:Cirro.
Dhanka kale guddoomiye Cabdiraman Maxamed Cabdilaahi (Cirro),waxaa uu sida oo kale uu socdaal booqasho ah uu ku dhex maray suuqyada waa weyn ee bacadlaha magaalada Hargeysa,waxaana uu halkaasi uu salaam kal iyo laaba ah uu sida oo kale la dhex qaaday dad weyne aad u tira badan oo iyaguna si qiimo badan oo ay ka muuqato kalgacayl aad u badan u soo dhaweeyey guddoomiye Cirro,waxaana ay ku dhawaaqayeen hadalo muujinaayo taagerada buuxda ay ee ay u hayaan guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) iyo hadalo oo fara badan.
Sidoo kale waxaa dadkii halkaasi  ka hadlay ka mid ahaa  fanaanadda Sahra Halgan,oo sheegtay in aad ugu farax san tahay in maalintii lagu dhawaaqayey gooni isu taaga jamhuuriyada Somaliland ay halkan ka heesaysay iyada oo ay ahayd meel aad u qurux badan oo si aada loogu soo hiranayo,balse uu maanta ka muuqdo dayac aad u badani,waxa kale oo ay xusatay in maalintaas aanay haba yaraatee cid ka maqnayd beelaha Somaliland daga oo dhami aanay jirin.
“Waxaynu taaganahay meeshii lagu aas aasay laguna goostay Somaliland ee 18-May-1991-kii,Illaahay ayaa maanta igu simay in aan halkan aan imaado oo waxaan la socday Xisbigayga WADDANI,waxaan tusaayey meeshani in maalintii Somaliland la goostay ee aan ka heesayey in ay ahayd meel aad u qurux badan,meesha lagu soo hirto oo dee waad arkaysaan,mar walban anigu qolooyin cadaan ah ayaan keena,maantana guddoomiyahaygii ayaan keenay,waxaanan doonayaa in uu tirada ku darsado Insha Allah marka uu madaxweynaha noqdo haddii Illaahay yidhaahdo,oo uu dee waxaan u malaynayaa meesha ina haysataa waa meeshane dee dib loogu soo noqdo”Ayey tidhi Mujaahidad Sahra Halgan.
Sahra Halgan ayaa  sida oo kale hadalkeeda sii wadata ayaa waxaa ay itaasi ku dartay in marka guddoomiye Cirro uu talada dalka ku guulaysto laga sugaayo in uu wax ka qabto dayacaada aadka u baahsan ee ka muuqata gurigii laga’ga dhawaaqay madax-banaanida Somaliland.
“Waxaanan filayaa Somaliland-na cidi kamay maqnayn,maalinta la goosanayey ee dib loola soo noqonayey,Waxaan leeyahay Insha Allah meeshaas oo umaddii maalintaas wada fadhiyaan oo intan ka qurux badan oo maalinta ugu horeysa ee aad madaxweyne aad noqoto wax yar ayaaba ka hadhayee Insha Allah inaad dadkiina aad isu keento,meeshiina aad hagaajiso”Ayey tidhi Mujaahidad Sahr Halgan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply