Weftigii Ugu Miisaanka Cuslaa Ee Ka Socda Dawladda Federaalka Itoobiya Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland

0
387

Hargaysa (Dawan): Wefti balaadhan oo isugu jira   Wasiirro iyo Madax sare  oo ka socda dawladda federaalka ah ee Itoobiya ayaa shalay  booqasho ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargaysa.
 
Weftigaasi  waxaa garoonka diyaaradaha Hargaysa  ee cigaal ku soo dhaweeyay  Cigaal xubno ka tirsan golaha Wasiiradda Somaliland   oo ay ka mid ahaayeen  wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, wasiirka  Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale, wasiirka  Duulista iyo Hawada, wasiirka Ganacsiga iyo sidoo kale Qunsulka Safaaradda Itoobiya ee Hargaysa.
 
Weftigan ka socda Itoobiya oo uu   hogaaminayo  Wasiirka Maaliyadda ee dawladda federaalka Itoobiya Sufyaan Axmed, waxaa  xubno ka ah Wasiiradda Gaadiidka Cirka, Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda ee Itoobiya, Agaasimeyaal iyo saraakiil kale .
 
Wasiirka  Arrimaha Dibadda  ee Somaliland   Maxamed Biixi Yoonis, oo warbaahinta uga warbixiyay u jeedadda socdaalka weftiga Itoobiya, ayaa    sheegay in weftigani  ay xukuumadda Somaliland ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin adeegsiga Dekedda Berbera, isticmaalka  Korontadda Itoobiya  iyo samaynta jidka Tareenka oo mustaqbalka xidhiidhan doona  labada dal.
 
Waxaanu yidhi “Waxaa farxad weyn noo ah haddii aanu nahay Somaliland in aanu ku soo dhawayno garoonka diyaardaha ee magaaladda Hargeysa, weftigan   balaadhan ee  ka socda dawladda Itoobiya, dawladda Itoobiya  oo aanu walaalo nahay,  jaar nahay,  cilaaqaad fiicana leenahay. aad baanu  u soo dhaweynaynaa weftigan.”
Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay  waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay weftigan ka wada hadli doonaan.
“Weftigan oo ahmiyadda ugu weyn ee socdaalkoodu ay tahay sidii dhaqaalaha iyo horumarka aanu uga wada hadli lahayn,  Waxa hogaaminaya  Axmed  Sufyaan  oo ah wasiirka maaliyadda ee dawladda Itoobiya,  Wasiirro kalena way la socdaan. waxa ugu muhiimsan ee aanu ka wada hadli doono waxa ka mid ah isticmaalka Itoobiya ee  dekedda Berbera,  isticmaalka korontadda Itoobiya iyo jid   Tareen  oo aanu  doonayno in la sameeyo mustaqbalka, wadadda  isku xidha Somaliland iyo  Itoobiya iyo waxyaabo  badan oo ku lug leh horumarka wadankeena ka socda” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.
Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyada ee dawladda federaalka  Itoobiya Sufyaan Axmed oo weftiga hogaaminaya  ayaa dhiniciisa uga Mahadceliyay masuuliyiinta Somaliland soo dhawaynta fiican ee   ay u sameeyeen. Waxaanu wasiirku Somaliland ku amaanay nabadgeliyadda ka jirta iyo sidoo kale  hanaanka dawladnimo ee ka tisqaaday.
Sufyaan Axmed, waxa kale oo uu sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay yihiin laba dal oo wadaaga xidhiidh soo jireen ah.  waxaanu yidhi   “Waxaan idiinka mahad-naqayaa sida diiran ee aad noo soo dhawayseen, waa markii koowaad ee aan imaaddo Hargaysa  oo caasimadda Somaliland ah, waxaan idinku amaanayaa nabadgeliyadda ka jirta Somaliland, Hanaanka dawladnimo ee ka tisqaaday, waxaynu nahay laba dal oo wadaaga xidhiidh soo jireen ah.”
Wasiirka Maaliyadda ee dawladda federaalka Itoobiya waxa kale oo uu sheegay in u jeedadda socdaalka ay Somaliland ku yimaadeen uu la xidhiidho xidhiidhka dhaqaale ee ka dhexeeya labadda dal, sida ganacsiga, maalgashiga, wadooyinka iyo isticmaalka itoobiya ee dekadda Berbera.
“Waxaanu  halkan (Somaliland)  u imid sidii aanu u xoojin lahayn xidhiidhka dhaqaale iyo dhaqan  ee ay wadaagaan  labadda dal, sida  Ganacsiga,Maalgashiga, Awooda Tamarta,Wadooyinka iyo  Dekedda Berbera” ayuu yidhi wasiirka maaliyadda ee Itoobiya.
Weftigan ka socda Itoobiya ayaa la filayaa in mudadda ay joogaan   Somaliland ay kulamo la yeelan doonaan madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), golaha baarlamaanka  iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirradda.
 
Waa  markii ugu horaysay oo wefti   miisaankaasi leh oo ka socda dawladda dhexe ee Itoobiya ay   booqasho  ku yimaadaan  Somaliland,  Itoobiya iyo Somaliland  ayaa waxay leeyihiin iskaashi dhinacyo badan leh sida amaanka, ganacsiga iyo arrimo kale.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply