Jaamacadda Admas Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah U Qabatay Ardaydda Cusub Ee Sanadkan Is-diiwaangeliyay

0
396

Hargeysa (Dawan): Jaamacada Admas ee magaaladda Hargeysa ayaa xafladd aan nooceeda hore loo arag kusoo dhaweysay ardaydeeda cusub ee sanadkan is-diiwaangalisay oo ka koobnaa 1223 Arday, waxaana ardaydaasi si qoto dheer loogu sharraxay xeerka anshaxa (code of conduct) ee Jaamacada Admas u dejisan oo dhigaya xaqa uu ardaygu leeyahay iyo waajibka isaga lagu leeyahay.
Munaasibadan soo dhaweynta ah oo ardayda cusub loogu qabtay Hotel Maansoor ayaa waxa ka soo qaybgalay, Guddoomiyaha Jaamacada Admas, Ixsaan Cumar Ismaaciil, guddoomiye ku -xigeenka, Axmed Naasir, Madaxda Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadaasi ka kooban tahay, macalimiin iyo hawlwadeenada kale ee Jaamacadaasi.
 
Waxa Madasha Soo dhaweynta Ardayda sanadkan iska diiwaangalisay Jaamacada Admas hadalo u jeediyey Maamulka Jaamacada Admas iyo hogaamiyeyaasha kulliyadaha kala duwan, waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Admas Mr Axmed Naasir.
 
waxaanu yidhi “Waxa Farxad weyn ii ah in aan maanta idinku soo dhaweeyo Jaamacada Admas University, College-kii waa laga reebay waayo Jaamacadu way ka soo gudubtay, waxaanad tihiin dufcadii u horaysay (first batch) ee fursadaa nasiibka u yeeshay in jaamacadii oo Admas University ah aad la jaan-qaadaan.Waxaan dhinacayga midig iyo dhinacayga bidixba aan ka arkayaa wajiyaal cusub oo aan baran doonto mid walba magaciisa, waxaana mid walba ag-fadhiya arday noqon doona saaxiibkiisa, lagana yaabo inuu noqdo saaxiibka noloshaada oo dhan oo aad ku kulanteen jaamacadan Admas.
 
Marxaladan Jaamacadeed ee aad soo gasheen hada waa xili kala-guur 12-kii sano ee u dambeeyey waxaad soo wadeen nooc waxbarasho oo gaar ah, noocaa waxbarasho astaamo gaar ah ayay lahayd, waxaana ka mid ahaa galinka hore oo aad soo gashaan iyo wakhtiga aad ka baxaysaan, waalidka oo in badan idin daba socon jiray, lakaiin marxaladan aad imika soo gasheen way is badalaysaa taasi, markaa waxa aad qofwaloba gashay marxalad kala-guur, waana in aad ku tashato sidii aad uga bixi lahayd marxaladaasi kala-guur oo aad ugu gudbi lahayd xili aad noloshaada adigu ka masuul tahay, wax kastood qabanayso, si kasta ood wax u baranayso, inaad waxbarato, in aanad waxba baran, inaad jaamacada timaado iyo in aanad iman, barnaamijkaad qaadatay intaba adigaa ka masuul noqonaya oo gacantaada ayay ku jirtaa”. Ayuu yidhi Mr Axmed Naasir oo ah Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa.
 
 
 
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Professor Maxamed Cabdi, kaas oo Ardayda u sharaxay (rules and regulations-ka) ay jaamacadu leedahay ama xeerka anshaxa (Code of Conduct) ee jaamacada Admas u degsan, waxaanu aad ugu dheeraaday waxa uu xaq u leeyahay iyo waxa xaq loogu leeyahay ardayga Jaamacada Admas ka midka ah.
 
waxaanu yidhi  “Waxaad xaq u leedahay hadii dhibaato ku soo wajahdo intaad Jaamacada Admas ku jirto in aad heshid cid kula talisa oo kula xalisa, waxaad xaq u leedahay Fikradaha aad haysid in aad sheegto maxaa yeelay Admas waa goob dimuqradi ah oo isbedel ka socdo (democratic and dynamic), marka aad fasalka ku jirto fikirkaaga ayaad sheegi kartaa uu casharku ku saabsan yahay iyo waxa hadba laga doodayo, waxaad xaq u leedahay Library-ga ay jaamacadu leedahay in aad timaadi galin hore ama galin dambe, buugaagtana aad amaanaysan karti, waxa kale oo aad xaq u leedahay marka ay Jaamacadu kuu dhamaato in aad hesho Shahaado wanaagsan oo Admas ka socoto oo aad kuu anfacaysa” ay Yidhi Professor Maxamed Cabdi, waxaanu intaasi ku daray mar uu ka hadlayey waxa xaq loogu leeyahay Ardayda oo uu yidhi “Hadii Macalinku shaqo kuu diray (Homework) waxa xaq laguugu leeyahay in homework-gaa laguu diray aad ka shaqayso, waxa masuuliyadaada ka mid ah in aad Imtixaanada gasho (examinations) si aad grade-kaaga u hesho, waxa kale oo xaq laguugu leeyahay in aad semester kasta is-diiwaangaliso oo ah waxa ay Admas kaga duwan tahay jaamacadaha kale, waxa kale oo aad xaq u leedahay in laguu sameeyo ID card si loo cadeeyo in aad tahay Arday Admas ka mid iyo in uu kuu sahlo in aad library-ga aad ku gasho”.
 
Dr Swamy oo ah madaxa Kulliyada Dhaqaalaha ee Jaamacada Admas oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maalinta koowaad ee aad bilawdo Jaamacad ay tahay maalin cajiib ku ah noloshaada, maxaa yeelay waxa aad aqoon u helaysaa siyaabo kala duwan, adigoo laga bilaabo maantana hiigsanaya in saddex sano ka dib aad qalinjabiso.
 
Dr Swamy waxa uu intaasi ku daray mar uu ardayda la hadlayey oo uu yidhi “Waxa fursad weyn idiin ah in aad jaamacada timaadaan, qaar badan oo ka mid dhalinyarada reer Somaliland oo idinka dedaal badan ayaa laga yaabaa in aanay u suurtagalin inay jaamacad galaan, balse idinku waxa aad fursad u heshiin Jaamacad, hadii aad aad-u-shaqaysaan, oo aad dedaashaan, ood halgantaan waxa aan hubaa in aad qalinjabin doontaan, waxa fursad kale idiin ah in aad heshaan oo aad horumarisaan ku hadalka luuqada Ingiriisiga iyo Kulliyadaha aad doorateen”. Ayuu yidhi Madaxa Kulliyada Dhaqaalaha ee Jaamacada Admas.
 
Waxa kale oo isaguna Ardayda la hadlay Dr Gobal oo ah madaxa Kulliyada xisabaadka ama Accounting-ka, kaas oo ardayda ugu khudbadeeyey Af-Somali, isla markaana dadkii ka soo qaybgalay xafladaasi ay aad ula dhaceen, intii uu Af-somaliga ku hadlayeyna hoolkii xafladu ka socotay ay is-qabsatay sacab iyo qosal, Waxaanu Dr Gobaal yidhi “Aniga madaxa qaybta xisaabaadka, waxaan idinku soo dhaweynayaa jaamacadan heerka sare ah, laga bilaabo maanta waxa aad ka mid tihin Jaamacada Admas, waxaana la idiinka baahan yahay in aad dedaal la timaadaan si aad u gaadhaan yoolka aad hiigsanaysaan” Ayuu yidhi Dr Gobal oo Af-Somali ugu khudbadeeyey Ardaydaasi.
 
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Madaxda Kuliyada Development Study, Professor Slamon, Madaxa Kulliyada ICT-ga Axmed Xaashi, Madaxa Kulliyada Management-ga Bashkal, Madaxa Kulliyada Architecture Mr Da’ud, kuwaas oo dhamaantood si qoto dheer uga sheekeeyey Kulliyadahan ay madaxda ka yihiin, isla markaana aad ula dardaarmay ardaydan inay dedaal la yimaadaan.
Fasal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply