Istanbul: Xarunta Saqaafadda Yurub

0
382

 
Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa ka mid noqotay tobanka magaalo ee dunida loogu booqashada badan yahay. Magaaladan ayaa sanadkii ay booqdaan dad gaadhaya 7 milyan oo qof. Saandkii 2010 ayaa loo aqoonsaday inay tahay caasimada aqoonta ee Yurub. Waxa magaaladan ku yaal goobo taariikhi ah oo cajiib ah sida masajidka Asraq, Dhisme weyn oo Roomaanki dhiseen marna danbe laga dhigay masaajid, laakiin 1935 loo bedelay Matxaf. Dadka ku nool waxa lagu qiyaasay 14 Milyan.  Waana magaalada ugu mashquulsan Yurub , bariga dhexe waa tan labaad iyadoo  dunida ay magaalada shanaad ee ugu mashuquulsan noqotay. Istanbul waxay soo martay afar xadaaradood oo waaweyn oo kala duwn sida xaadaridii Roomaanka, xaadardii Bisidiniyiinta, Alatniyita iyo xadaaradii ugu danbaysay ee boqortooyadii Cismaaniyiinta ee islaamka ahayd.

Leave a Reply