“Waddani waxa uu iska maydhayaa guul-darrooyinkii iyo Maamul xumadii ay ku sameeyeen xeerka diiwaan-galinta iyo hungadii Boorama ee …..” Wasiir ku xigeenka Ganacsiga

0
409

Laascaanood (Dawan):  Xukuumadda   ayaa iftiimisay in  ujeedadda socdaalka ay   gobollada bariga Somaliland ku marayaan masuuliyiinta ugu sareysa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani  inuu yahay mid ay iskaga maydhayaan turaaturooyin siyaasaddeed oo muddooyinkii u dambeeyay xisbiga soo waajahay.
 
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo maalgeshiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir ayaa sheegay in xisbiga Waddani talaabooyin qaldan oo ay muddooyinkii u dambeeyay qaadeen masuuliyiinta xisbigaasi.
 
Wasiir ku-xigeenka oo tilmaamay inaanay xilligani ahayn waqti olole, wuxuu farta ku fiiqay waxa kelifay xisbiga, waxaanu yidhi, “Inay abuurtaan jawi iyo goob ay iskaga maydhaan weji gabaxii kala kulmay guul-darrooyinkii siyaasaddeed ee xisbiga Waddani uu kala kulmay arrimo badan oo ay ka mid yihiin.
1- Maamul  xumadii ay ku sameeyeen xeerka diiwaan-galinta muwaadinka.
2- Hungadii ay kala soo noqdeen gobolka Awdal madax-dhaqameedkii ay qaabka qaldan ugu direen halkaas.
3- Khilaafka xisbiga Waddani ka dhex taagan oo ay ka biyo diidsan yihiin
jiho la’aanta siyaasadda xisbiga.
4- Isku milanka mushkiladda golaha wakiillada iyo xisbiga Waddani.
 
Waxa iyaguna culays ku noqday weftiga xisbiga wasiirro iyo xildhibaanno ilaa xilligii Udub reer Burco hore uga quusteen oo ku soo gabadday soo raacida weftiga, si ay dib ugu helaan saaxad ay ka hadlaan oo shalay (doraad) intii reer Burco ee halkaas timi ka dareereen markay arkeen.
Kooxda saddexaad waxay ahaayeen hablo iyo niman siyaasiyiin isu qaba oo ay imika ugu horeysay magaalada Burco oo iyagu xiisaynayay inay Burco soo arkaan.
 
Weftiga qaybihiisa kala socday wuxuu dedaal ugu jiray inay dib isu soo kabaan oo ay dib isu arkaan, mana jiro qorshe iyo hadaf siyaasaddeed oo ku dhex jiray socdaalkan.”
 
Dhinaca kale, wasiir ku-xigeenka ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir oo shalay ka hadlayay xaflad loo sameeyay dib uhabayn loo sameeyay xafiiska wasaaraddaas ee magaalada Laascaanood, waxa kale oo uu ka hadlay waxtarka uu xafiiska wasaaradda ganacsiga ee magaalada Laascaanood uu u leeyahay gobolka Sool, kaasoo uu ku tilmaamay inay bulshadu si fudud uga helayaan magaaladooda liisamada iyo adeega sharci ee ay ubaahan yihiin iyo kor uqaadista dakhliga qaranka.
sidoo kale, waxa uu sheegay  si hawshaas loo dhamaystiro inay dhawaan tagi doonaan gobolka Sool guddoomiyahay rugta ganacsiga Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo oo ansixin doona xubnaha guddida ganacsatada gobolkaas oo lagu dooran doono shirweyne.
By: Siciid Askar
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply