Jaamacadda ku taala Jarmalka Oo la sheegay inay heshay qayb kamid ah waraaqihii qadiimiga ahaa ee Islaamku ku qoray Quraanka

0
379

Jaamacada lagu magcaabo Tübingen ee dalkaasi Jarmalka ayaa la sheegay inay heshay qayb kamid ah waraaqo lagu sheegay inay yihiin kuwo kamid ah waraaqaha kitaabka Quraanka kariimka ah,kuwaas oo la qoray waqti hore.
Jaamacadda ayaa maalintii isniintii shaacisay in qaybtan kitaabka kamidka ahi ay tahay mid ka timid qarnigii 17 naad ee milaadiga ,waqtigaasi oo ahayd waqtigii uu Islaamku xooga lahaa.
Cilmibaadheyaasha ayaa sheegay in qaybtan quraanka ahi ay tahay mid halkan soo gaadhey  dhimashadii Nebiga kadib sannadkii 632 kii milaadiga,waqtigaasina waxay ka dambayn kartaa ayaya yidhaahdeen 20 ilaa 40 sanno oo keliyaata,iyaga oo ilaa hadda rumaysan cilmibaadheyaashaasi in la qoray qaybtan Quraanka ah qarnigii 18 ilaa kii 19 naad dhexdoodii ugu yaraan.
Waxaanu yidhi afhayeen u hadlay labreeriyga  Tubingen  inay suurtogal  tahay in la bilaabo baadhitaan balaadhan oo lagu raadinaayo taariikhda kala duwan ee waqtiyadii la qoray warqadan Quraanku ku qoran yahay,taas oo loo adeegsanaayo waxyaalo kala duwan oo ku taxaluqa cilmiga fisigiska.
Waxaanu afhayeenkani cadeeyey in khadka ku qoran warqadani yahay mid lamid ah khadadkii reer Kuufa wax ku qori jireen waqtigaasi Islaamku ka talinaayey meelaha kala duwan ee caalamka kamidka ah.
Ninkan ayaa sheegay inay samaynayaan baadhitaano dheeraad ah oo ay ku samaynayaan waraaqdan iyo kuwo kale oo laga yaabo in la helo dhowaan .
 
 

Leave a Reply