Xuska Maalinta Qalfoofka Maydka Ah

0
382

Dunida cadooyinka iyo dhaqanada ka jiraa aya ah kuwo aad u kala duwan, waxayna badankoodu ku dhisan yihiin rumayn iyo caqiido been iyo khurafaad ah. Dalka Boleveia ee ku yaal Latin Amerika, ayaa sanad kasta bisha November 8 ay sameeyaan dadka asal ahaan u dhashay dalkaasi munaasabad yaab leh.  Dadkan ayaa xabaalaha kala soo baxa qalfoofka madaxa ah ee dadka ehelkooda ah ee dhintay iyagoo uga jeeda inay dadkaasi xusaan, sharfaan oo qiimeeyaan.
Lafaha madaxa ee dadkaasi ayay qurxiyaan waxayna u shidaan sigaar , waxay kula wareegaan suuqyada oo la isugu soo boxo iyagoo ubaxyo sudha, qaarkoodna waxay u xidhaan muraayado.
Xukuumadda dalkaasi ayaa maalintan ka dhigtay maalin fasax ah waxaana loo yaqanaa maalinta Niyatiitas.  Bulshadan aya aaminsan in xuskani uu keenayo nasiib wanaagsan oo sanadkaasi qofka sameeya helo.  Waxayna qalfoofka kula wareegaan inta u dhaxaysa qabriga, guriga iyo kiniisadda.  Waxaana lagu soo bandhiga qalfoofkaasi madaxa maydka ah suuqyada iyo goobaha caamka ah. Caadadan yaabka leh ayay dadka Hindada cas-cas ahi ee dalkaasi degani isticmlaayeen ka hor intii aanu helin dalkooda sahamiyihii Colombos iyagoo ilaa maantana  u istcimaala caadadaasi si joogto ah.

Leave a Reply