Seddax dhallinyaro ah oo u ololeeynayay siyaasadda ayaa laga helay bariga dalka Liibya iyagoo madaxyada laga gooyay.
Dhalinyaradan ayaa baraha bulshada ku faafiyay warar ku saabsan nolosha meelaa uu kajiro xukunka islaamiyiinta, waxa la afduubtay horraantii bishan.
Dhowr urur oo islaamiyiin ah ayaa ku hardamaya maamulka magaaladaasi, mid ka mid ah ayaana dhowaan shaaciyay in ay xulafo la yihiin Khilaafada Islaamka.
Libya Waxay ahayd dal aan xasilooneyn tan iyo markii meesha laga saaray Mucaamir Al-qadafi sanadkii 2011-kii, waxaana ku hardamaya maleeshiyo beeleedyo, mintidiin iyo kooxo siyaasadeed oo isku haysta awoodda dalkaasi.
Markii uu dhammaaday kacdoonkii ka dhanka ahaa Qadafi, dagaalyahano badan oo Libyan ah ayaa aaday dalka Suuriya si ay uga barbardagaallamaan muucaradka ka soo horjeeda maamulka madaxwaynaha Suuriya Bashar al-Assad.
In badan oo ka mid ah dagaalyahanadaasi ayaa la aaminsan yahay inay dib ugu soo noqdeen Liibya, ayna xarun ka dhigteen bariga dalkaasi.
Qoorgoynta aad ayey ugu yartahay dalka Liibya, sida ay sheegeyso weriyaha BBC ee dalkaasi, xittaa meelaha ay maamulaan islaamiyiinta, illaa iyo hadda majirto cid sheegatay masuuliyadda dilka ugu dambeeyay.
Seddaxda dhallinyarada ah oo u dhaqdhaqaaqaya arrimaha Bulshada ayaa lagu kala magacaabay Siraj Ghatish, Mohamed Battu iyo Mohamed al-Mesmari.
Qof kale oo u dhaqdhaqaaqa dadka magaaladaasi oo sababo amni aawgeed diiday in la magacaabo ayaa sheegay in dadka halkaasi ku nool ay diideen in Khilaafada Islaamka ay halkaasi gaadho, sidaas darteedna aysan isasoo bandhigi karin.
Dowladda Liibya Ayaan tani iyo 2012-kii maamulin magaalada Derna.
Bishii hore sawiro la baahiyay ayaa muujinayay in dhammaan goobaha dad weynaha ee magaaladaasi loo bedelay maxkamado ay Islaamiyiinta leeyihiin iyo xarumaha ciidammadooda.
Bishii August ee sanadkan waxaa internetka la geliyay koox aan la aqoon oo garoon kubadda cagta lagu ciyaaro ku dhex toogana nin.
Dowladda Liibiya ee la doortayna ma maamusho seddaxda magaalo ee dalkaasi ugu waaweyn, taas oo ay sabab u tahay qalalaasaha siyaasadeed ka taagan halkaasi.