Ninka Dunida ugu Qanisan: ‘Saddex Maalmood Keliya Hala Sheqeeyo Dunida’

0
372

Ninka dunida ugu qanisan ee u dhashay dalka Mexsico Carlos Salim iskana leh Shirkadda isgaadhsiinta dalkaasi ayaa soo jeediyay in todobaadkii la sheqeeyo oo keliya 3 malmood. Waxaana uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in sacaadaha shaqada la kordhiyo lagan dhigo 11 saacadood, laakiin maalamaha la yareeyo. Biliyaneerkan oo da’diisu tahay 74 sano aya sidoo kale ku baaqay in da’da hawlgabka lagu gelayona laga dhigo 75 sano, iyadoo da’da hawlgabka ay hadda tahay 65 sano. Carlos Waxa kale oo uu soo jeediyay in dadka raba inay halwgabka hore u galaan loo kordhiyo mushaharka, si aanay ugu degdegin iska fadhiga loona sameeyo inay sheqeeyan 4 malmood oo keliya. Carols Salim oo hantidiisa lagu qiyaasay 83 Bilyan aya bishii Julay ee sanadkan 2014-ka  la shaaciyay inuu dhaafay ninkii hore dunida ugu taajirsana ee Bill Gates oo Maraykan ah.

Leave a Reply