Ninka Adduunka Ugu Dheer Iyo Ka Ugu Gaaban Oo London Ku Kulmay

0
392

Waxa maalintii Khamiistii magaalada London ku kulmay ninka adduunka ugu dheer iyo ninka ugu gaaban, ninkan caalamka ugu dheer oo u dhashay dalkaasi Turkiga oo lagu magcaabo Sultan Kosin, sidoo kalena ninka caalamka ugu gaaban ayaa ah nin u dhashay dalkaasi Nipol, kaas oo lagu magcaabo Chandra Bahadur, kaas oo noqday ninka ugu gaaban caalamka.
Kulankan ayaa waxa soo qaban qaabiyey ururka lagu magcaabo  Guinness World Records, kaas oo inta badan haddiyado iyo lacago kala duwan siiya dadka caalamka kusoo bandhiga waxyaalaha ugu mucjisada badan, kuwaas oo sameeya sidoo kalena buugaag lagu xusuusto dadkaasi.
Labadan nin ayaa ku kulmay barxada hore ee barlamaanka dalkaasi Ingiriiska, iyada oo munaasibada kulankani ku beegnayd toban sanno guurada waqtiga loo yaqaano maalinta lambarada qiyaasiga ah.
Waxaana halkaasi markii ugu horeysay ka hadlay ninka caalamka ugu gaaban oo lagu magcaabo  Dange, isaga oo xidhnaa dharka hindaha iyo dhaqanka u ah dalkaasi Nepal, kaas oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu la kulmo ninkan adduunka ugu dheer, waxaanu ninkan gaabani jiraa 75 sanno.
Waxa isna dhankiisa ka hadlay kulankan ninka caalamka ugu dheer oo da’diisu tahay 32 sanno, Sultan, waxa uu sheegay inuu aad u jecel yahay kulanka ninkan oo uu markasta xiiseeyo, waxaanu tilmaamay inuu aad ugala kulmo dhererkan dhibaato badan, taas oo ay kamid tahay dhanka socodka, taasina ay tahay mid caafimaadka ah, sidoo kalena uu dhibaato dhanka jilbaha ah kala kulmo.
Ninkan ayaa dhererkiisu marba marka kasii dambaysa sii kordhaa,iyada oo lagu sameeyey sannadkii 2010 kii qalino kala duwan ,taas oo ay samaysay jaamacadda lagu magcaabo Virginia oo ku taala dalkaasi Maraykanka, iyada oo sannadkii 2012 kiina ay dhakhaatiirtu tilmaameen inay ku guulaysteen inay xakameeyaan dheecaanada sida xawliga ah u sababaaya inuu ninkani koro dherer ahaan.

Leave a Reply