Agaasimaha Xoolaha Oo Shir Caalamiya Kaga Qeyb-galay Nairobi

0
591

Nairobi (DAWAN)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xannanada Xoolaha Somaliland Dr. Jaamac Maxamed Odowaa ayaa ka qayb-galay Shir ay soo qaban qaabiyay Midawga Afrika oo ay ka soo qayb galeen Xoghayeyaasha Joogtada ah  ee Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha ee Dalalka Xubnaha ka ah Ururkaasi ku bahoobay oo ka furamay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Dr. Jaamac Maxamed Odawaa, waxaanu sidaas ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray oo nuqul ka mid ahi  soo gaadhsiiyay wargeyska DAWAN waxaa uu u dhignaa sidan:-
“Waxaa Bishan November 12keedii Ka Furmay Magaalada Nayrobi Ee Caasimada Dalka Kenya Shir uu qabtay Midawga Afrika oo ay ka soo qayb galeen Xoghayeyaasha Joogtada Ah(Permanent Secretaries) ee Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha Ee Dalalka Xubanaha ka ah  Ururkaas.Waxaana marti-qaad rasmiya noo soo diray xafiiskooda ku yaala  Nayroobi.
 
 
Shirkaas Oo Lagaga Hadalayay:-
1.Baaqii Mabuto, Sirti Iyo Malabo Sida ay u Saamaynayaan  Xoolaha Iyo Doorka Agaasimayaasha Guud Ama Xogayayaasha Joogtada ah Iyo Dawladaha ee habka loo soo gaabiyo (CAADP) u taagan Comprehensive African Agriculture Development Progaram Oo Ah Barnaamijka Dhammaystirka Iyo Horumarinta Beeraha Iyo Xoolaha .                                                    Baaqyadaas Oo Hore Laysugu Raacay In Xoolaha 6% Miisaaniyada Dawladuhu ay gaadhsiiyaan  oo Dawladdo Badani gaadhsiiyeen Qaarna kaba badiyeen oo Illaa 10% Ay gaadhsiiyeen sida Ethiopia oo Kale.
2. Barnaamijka Maamulka Xoolaha ee Horumarka Iyo Qorshaynta.
3. Habka Guud Ee loo Dabagelayo loogana War-haynayo Maalgelinta Xoolaha Ee qaaradda Afrika oo loo Baahan Yahay In La Dhiirrigeliyo. Laguna Lafo Guray Faa’iidada Weyn ee ay Ka heelayaan ciddii Maal gashataa.
4. Taabbagelinta Iyo Ka Shaqaysiinta ee Bulshada Xoolaha Leh Jaanisyaday Haystaan                     5. Iyo Doorarkooda .Iyo Tusaalayaal Laga soo  qaatay A) Sanduuqa Horumarinta Ee Sinigaal B). Mashruuca Caanaha Ee Ee Kenya Oo 6 mllion oo Litir Oo Caano Ah Soo Saara, Isla Markaana Dawladdu ay Caano siin Jirtay Carruurta yar-yar Ee Dugsiyada Dhigata Si Ay U Dhiirrigeliso Waxsoosaarka Iyo Kordhinta Caanaha”.
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply