Ilmeyar oo geeri ka badbaadey kadib markii uu kasoo dhacay meel sare oo dherer ahaan gaadhaysa 70 mitir

0
349

Ilme yar oo da’ahaan gaadhaaya afar sanno jir ayaa ka badbaadey geeri kadib markii uu kasoo dhacay  meel aad u dheer oo dhererkeedu gaadhaayo  70m,meeshaas oo ku taala xeebta badda waqooyiga gobolka California ee dalkaasi Maraykanka.
Ilmahan yar ayaa ahaa mid ehelkiisa la socday, kadib markii ay saareen meel ay ku laydhsanayeen oo xeebtaas kamid ah, waxaanay masuuliyiinta badbaadada ee xeebtaasi ku sugnaa sheegeen inuu ilmahaasi badbaadey oo aanu waxba soo gaadhin, laakin meesha uu kasoo dhacay oo dhagax sare ahaa ay ahayd meel sababi karaysay dhimasho marka loo eego ilmahaasi iyo da’diisa intaba.
Meeshan ayaa ahayd meel beer ah oo ay ku laydhsanayeen qoyskan ilmaha yar watey ama dhalay, iyada oo Sonoma County oo ah masuulka ugu sareeya ciidamada gobolkaasi sheegay inay markii hore moodeen in ilmahaasi wax noqday, laakin ay markii dambe ogaadeen in aanu waxba noqon.
Waxaanu sheegay inay markii hore dalbadeen diyaarada badbaadada laakin ay meesha soo gaadhey weyday jawiga oo xumaa awgeed, waxaanu sheegay in ilmahaasi dhakhtarka loo qaaday si loo hubiyo caafimaadkiisa oo lagu qaaday gaadhiga caafimaadka.
Sidoo kalena Madaxa badbaadada oo lagu magcaabo Shane Grenell ayaa sheegay in ilmahaasi oohin badan ooyey, iyada oo keentay in lagu soo yaaco, isaga oo sheegay in meesha ay caruur badani ku waxyeeloobaan meeshan, iyada oo uu tilmaamay in ay liiskooda ku jiraan caruur badan oo meesha waxyeelo kasoo gaadhey.
 

Leave a Reply