Afgaanistaan: Xildhibaanad ka Badbaaday Qarax

0
364

Shukria Barakzai, ayaa waxa ay ka mid tahay haweenka ugu caansan ee xildhibaanada ee galay masraxa siyaasada Afghanistaan, tan iyo markii laga adkaaday kooxda Talibaan.
Waa haweeneey aad ugu ololeeysa xuquuqda haweenka, waxa ayna xulufo dhow la tahay Madaxweyne Ashraf Ghani, kaas oo loo dhaariyey jagada madaxweynenimo bishii la soo dhaafay, waxa ayna bilad sharaf caalami ah ku heshay shaqadeeda.
Gaadhigeeda ayaa la soo weeraray isaga oo maraya waddada ugu weyn magaalada Kabul, ee u dhow baarlamaanka.
Waxa ay ka badbaaday dhaawac fudud oo soo gaadhay waloow saddex qof ay ku dhinteen weerarkaasi in kabadana labaatan qofna ay ku dhaawacmeen.
Baryahan danbe waxaa jiray tira badan oo isa soo taraayey oo weeraro ah oo ay ku qaadayaan xagjiriinta caasimada Kabul.
Sidoo kale bartilmaameedyada ayaa u muuqda kuwa isa soo taraya, toddobaadkii la soo dhaafayna waxa uu qarax dhimasho badan sababay ka dhacay xarun Boolis.
 
 

Leave a Reply