Beesha Galbeedka Burco Oo Kalsoonidii Kala Noqotay Xildhibaan Ku Biiri Waayey Xisbiga Waddani

0
362

Hargeysa (Dawan): Beesha galbeedka Burco ee uu ka soo jeedo Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md.  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen Xildhibaan Saleebaan Cawed Cali   (Bukhaari) oo  ka mid ah Xildhibaanada muxaafidka ah ee Xisbiga KULMIYE ugu jira   Golaha Wakiilada, kaas oo ay ku eedeeyeen in uu taageero xukuumada iyo Madaxtooyada Somaliland, balse aanu ka hadlin danta iyo rabitaanka beeshooda.
Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah shebekadaha Internet-ka ee taageera Guddoomiye Cirro iyo Xisbigiisa WADDANI oo aanu warkan ka soo xiganay beeshani waxa ay sidaas ku sheegtay bayaan qoraal ah oo ay sabtidii doraad soo saareen xubno isugu jira Siyaasiyiin, Madax dhaqameed iyo odayaal kala duwan oo dhamaantoodba ka soo jeeda Beesha Galbeedka Burco, gaar ahaan Ardaaga Sacad Yoonis ee uu ka soo jeedo Xildhibaan Bukhaari. Bayaankaas oo ahaa mid xambaarsanaa cay tiro badan   iyo aflagaadooyin   badheedh ah oo si toos ah loogu weerarayo  shakhsiyada qof ahaaneed ee Xildhibaan Saleebaan Cawed (Bukhaari), ayaa waxa kale oo ka muuqatay cadho xoog leh oo ay dadka bayaankaas soo saaray  u qabaan Xildhibaankaas oo ay ku haystaan in uu ka tegi waayey  Xisbiga Kulmiye  uu ka tirsan yahay oo uu ku biiri waayey Xisbiga WADDANI, sida ay sameeyeen   Xildhibaanadii kale ee ay isku beesha iyo isku Golahaba ahaayeen oo tiradoodu dhamayd 17 Xildhibaan, kuwaas oo isaga mooyaane intoodii kale uu mid iskaga tegay Xisbigiisii uu ka tirsanaa, kuna biiray Xisbiga WADDANI oo ah Xisbi cusub oo aan Golaha Wakiilada wax Mudaneyaal ah ku lahayn.
Sidoo kalena beeshu waxa ay bayaankaas kaga hadashay Ciidamada  Booliska ah ee loogu talo-galay in ay ilaaliyaan amaanka shirkadaha ajanebiga ah ee wadanka ka fulinaya hawlaha la xidhiidha sahaminta iyo soo saarida shidaalka, kuwaas oo ay ku tilmaameen Ciidamo loo samaystay ujeedo gaar ah oo ay cid gaar ahi leeday. Sidaas aawadeedna aanay beel ahaan ogolaan doonin Ciidamadaas in la keeno deegaamada ay beeshaasi degto.
Waa markii u horeysay ee beel reer Somaliland ahi sheegto in ay kalsoonidii kala noqotay masuul beeshooda ka tirsan,  kaas oo ay dembi uga dhigayso in uu Xisbi kale ka tirsan  yahay. Taasina waa mid ka hor imanaysa nidaamka siyaasadeed ee Somaliland qaadatay oo ah mid ku dhisan hanaanka dimoquraadiyada iyo xisbiyada badan, kuwaas oo qof kasta xaq u siinaya in uu geli karo xisbigii uu doono.
Balse  ma aha markii u horeysay ee beeshani bayaan diidmo ah ka soo saarto arinta  Ciidamadaas, balse waxaa jirey odayaal ka soo jeeday deegaanka Oodweyne oo sidan oo kale todobaadkii hore u sheegay in aan Ciidamadaasi iman Karin deegaamada ay beeshoodu degto.  Dhinaca kale hogaamiyeyaasha iyo siyaasiyiinta kala duwan ee Xisbiga WADDANI ayaa mudooyinkii u dambeeyey ku cel celinayayey baaqyo ka dhan ah Ciidamadaas, oo ay dadweynaha ugu sheegayeen in ay diidaan oo ka hor yimaadaan Ciidamadaas, iyo shirkadaha ajaanibka ah ee ay xukuumadu heshiiska kula gashay in ay dalka ka baadhaan oo ka soo saaraan shidaalka iyo khayraadka dabiiciga ah ee ku duugan, si ay muwaadiniinta reer Somaliland shaqo abuur iyo dhaqaaleba uga helaan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply