Guddoomiye Cirro Oo Xukuumadda Kula Soo Gal-gashay Khasaarihii Ka Dhashay Mudaharaadkii Uu Beeshiisa Ugu Baaqay

0
399

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha golaha Wakiiladda  Somaliland  ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Waddani C/raxmaan  Maxamed  C/laahi (ciro)  ayaa mugdi-geliyay in uu  u tartamo doorashadda madaxtooyada ee la filayo  in ay qabsoonto badhtaha sanadka fooda inagu soo haya.
waxaana  uu tilmaamay in aanu kursiga uu ku fadhiyo  ka degaynin sida uu sheegay  inta aanay muuqan in doorashadda madaxtooyaddu  ay dalka qabsoonto, isagoo  ka war-gareegay in uu bulshadda u cadeeyo in uu yahay musharaxa jagadda madaxweynaha ee  xisbiga Waddani.
C/raxmaan Cirro oo shalay warbaahita la hadlay ayaa  cadayn kari waayay  inuu  wakhtigan   murashaxa jagadda madaxweynaha  u yahay xisbibga Waddani.  Isagoo xukuumaddda kula soo gal-gashay  khasaarihii ka dhashay mudaharaadkii ka dhacay magaaladda Burco oo isagu hore ugu baaqay in taageereyaashiisu   isugu soo baxaan mudaharaad ay kaga soo hor jeedaan   xil ka xayuubintiisa.
Waxaanu yidhi “Waxay ila tahay danbigu ma qaybsana, cidii shacbi aan hubasynayn oo dooanay in ay dareenkooda muujiyaan xooga u isticmaalay ayuunbaa danbigaasi leh. Cidii quwad iyo rasaas u isticmaashay ayuunbaa danbigaasi leh. waxa aan ahay musharax waxaana xeerku tilmaamayaa muddo ka hor wakhtiga doorashada madaxtooyada in xisbi kastaaba uu cayimo musharixiisa markaa wakhtigii sharcigu tilmaamay ayuunbaa lagu dhawaaqidoonaa”.
 
Sidoo kale Guddoomiye Cirro ayaa  ku dooday in aanu xilka guddoomiyenimo ee golaha Wakiiladda ka degaynin ilaa inta ay soo baxayaan calaamado muujinayo in doorasho ay dhacayso, isagoo si cad muran iyo mugdi u geliyay  hamigiisa siyaasadeed. “Horta muddo xileedka xeer ayaa tilmaamaya inta aan halkan joogayo hase yeeshee sida aan hore u sheegay kursiga aan ku fadhiyo ee guddoomiyenimada golaha wakiilada iyo madaxweynaha aan ku socdaba Somaliland nabadeeda ayaa igalaqaalisan, markaa waxa aan diyaar u ahay wakhtiga ugu horeeya ee munaasib ah ee arrimaha doorashaddu ay cadaadaan in aan baneeyo kursiga golaha wakiilada amaanadaana shacbiga usoo xilkana waan banaynayaa wax ku jabanina majiraan xilkana waan banaynayaa ee xukuumadu doorashada ha inoogu dhawaaqdo barito, aniguna  waan ka tegayaa xilka” ayuu yidhi C/raxmaan Cirro.
 
Guddoomiye  C/raxmaan Cirro waxa kale oo farro-geliyay  arrimaha ciidamadda qaranka oo uu sheegay in loo adeegsaday dad shacab ah oo isaga u mudaharaadayay. waxaana uu yidhi  “Waaxa jirtay farro-gelin,  ciidan ayaa joogay golaha Wakiiladda ee aan masuulka ahay,  goluhu caadi ayuu u furmayay fadhigiisii caadiga ahaa,  intaasi  oo ciidana umuu baahnayn, ciidanka Laascaanood jooga in la soo celiyo umuu baahnayn furitaanka golaha  oo in la hawlgeliyo ciidanka asluubta iyo milateriga looma baahnayn.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply