Ergadda Guurtida Ee Xallinta Khilaafka Wakiiladda Oo Kulamo La Yeeshay Dhinacyadda

0
395

 Hargaysa(Dawan):- Gudidii Ka Socotay Golaha  Guurtida ee ku jirtay  xal u helista khilaafka ka dhex curtay aqalka golaha Wakiilada Somaliland,ayaa sheegay in ay meel wanaagsan hawshu u marayso isla markaana ay  la kulmeen labada dhinac ee golahaasi u  kala jabay  kuwaasoo labada dhinacba  kalsooni buuxda siiyey  ergada golaha guurtida ee ku hawlan isu keenidooda.

 Guddoomiyaha Gudiga joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland Muxumed Axmed Aw Cabdi oo   ka war bixiyay halka ay wax u marayaan,ayaa sheegay in ay la kulmeen labada garab ee golaha wakiilada dhinac kastaana uu  kalsoni buuxda ku siiyay in ay galaan arrinta.

 waxaanu yidhi.   “Labadii dhinacba waanu aragnay meel wanaagsan baanu wax isla dhignay kalsoonina way na siiyeen  si wanaagsan oo sharaf lehna way noogu dhamaan doontaa.”

 Waxaa kale oo isna shirkaa jaraaid ee ay ergada Guurtidu qabatay ka hadlay odayga Somaliland Xaaji Cabdirakiin Xuseen Cabdiwaraabe oo tilmaamay in ay gudo gali doonaan arrinta xalkeeda iyo go,aan ka gaadhisteeda ka dib markii ay lanada darafba kalsooni buuxda siiyeen waxaana hadaladiisii ka mid ahaa.

  “Labadii qolaba waanu  u yeedhnay Kalsoonidii ayaanu waydiisanay  wayna na siinayaan  guulna wuu  ku dhamaanayaa wixii  intaa ka dambeeyana waxaanu godo gali doonnaa faalada iyo  xukunka.”ayuu yidhi Xaaji Cabdiwaraabe.

Waa markii labaad ee golaha odayaasha Somaliland ay  gurmad ka galaan muran  ka dhex curtay golaha wakiilada taasoo  ay ugu ala saftaan laba daraf oo aad u kala aragti iyadoo ay dorraad ergada golaha Guurtidu baajiyeen  mooshin golaha yaalay oo ahaa xil ka qaadista guddoomiyaha golaha wakiilada oo ay wadeen xildhibaanada aqlabiyadda golahaasi.

Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply