Cuqaasha Awdal Oo Mucaaridka Ugu Baaqay In Ay Ka Fogaadaan Qabyaaladda Ay Bulshadda Ku Soo Dhex Tuureen

0
404

Boorame(Dawan):- Cuqaasha iyo wax garadka gobolka Awdal,ayaa  golaha wakiilada iyo bulshada reer Somaliland ugu baaqay in ay ilaaliyaan   nabad gelyada iyo dhawrista  xasiloonida dalka.  waxaanay asxaabta qaranka u soo jeediyeen in ay ka waan toobaan in ay hab qabiil  cod iyo taageero ku raadsadaan.
Waxaanay  cuqaashaasi sheegeen in aan la is-barbar dhigi Karin qaran-nimadda iyo qabiilka ay mucaaridku wax ku doonayaan, iaygoo tilmaamay in aanay Somaliland ku dhisnayn Qabiil balse ay ku dhisan tahay qaran-nimo buuxda.
Cuqaasha  gobolka Awdal, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Boorama ayaa sheegay in golaha wakiiladu ay madax-banaan yihiin oo la soo doortay, isla markaana aanay u taagnayn in qaranka lagu dumiyo. Waxaanay ugu baaqeen xisbiyadda mucaaridka ah in ay ilaaliyaan nabad-geliyadda iyo qaran-nimadda tis-qaaday ee maanta ay hasytaan ummadda reer Somaliland.
Caaqil Tukaale Raage Riiraash oo ka mid ahaa cuqaashii shirkaasi jaraa’id ka hadashay ayaa ugu baaqay xisbiyadda mcuaaridka ah in ay joojiyaan hadaladda la xidhiidha Qabiilka, isla markaana ay qaran-nimadda iyo qabiilka kala saaraan.
Waxaanu yidhi “Waxa aad u badan maalmahan dambe oo na soo gaadhaya xiisada ka oogan golaha Baarlamaanka, waxa aan leenahay Raganimadu ninka ay la roorayso ha joojiyo, oo ka  wax raabaa tubta ha ku hadlo, Qaran iyo qabiil marka loo hadlayo wax la is barbar dhigo ma aha, Qaran ayaan ku nool nahay oo waan dhisanahay, qabiil kuma noolin oo waa kii aan soo marnay ee ina baabiiyay, in laga digtoonaadona way tahay, waa dardaaran hadalkayagu ee aan Qaranimada adkaysano oo aan qabiilka ka dhex saarno oo aan ficilka ka dayno”.
 
Caaqail Faarax Boon oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka digay in dib loogu noqdo wixii ay Somaliland hore uga soo gudubtay.  “Baarlamaanku waa wax madaxbanaan oo la doorto ee ma aha wax Qaranka lagu dumiyo, Somaliland-na maanta qabiil inaguma deeqayso ee Qaranimo ayay inagu deeqaysaa, waxa aan leenahay ha laga daayo qabiilka xiisada maanta oogan, Qaranimada iyo nabada ha la inoo daayo, baarlamaankana ha loo daayo Madaxbanaanidiisa oo sida ay wax u doonayaan ha loo daayo, hadii aan reer Awdal nahay-na waxa aan leenahay Qaranka sidan ha laga daayo oo qabiilka iyo Qaranimada ha la kala saaro, ayaan loo noqon wixii shalay ka dhacay Somaliland taasina waa naga digniin ayaan leenahay” ayuu yidhi Caaqil Boon.
 
Caaqil Saxane oo isna ka mid ahaa cuqaasha shirka jaraa’id qabatay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay waxyaabaha ay mucaaridku dalka ka wadaan mudooyinkan dambe. Waxaanu sheegay in guddoomiyaha golaha Wakiiladda oo markii horeba kursiga ku yimid cod in haddii la isla gartay in xilka laga qaado aan qabyaalad la gelin.
Caaqil Saxane ayaa ugu baaqay shacabka in ay ilaashadaan dawladnimadda oo ah waxa keliya ee ay shacabku haybadeedda ku nool yihiin, isagoo xusay in aan loo baahnayn in  madax-dhaqameedka iyo aqoon yahamiintu aanay ku milmin siyaasadda.   Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi   “Arrimaha maanta dalka oo dhan ka taagani waa wax laga xumaado, Gudoomiye Ciro waxa doortay baarlamaanka, waxana uu ku soo baxay aqlabiyad, waxana uu joogaa mudo 9 sano ah, hadii maanta la yidhi waan bedelaynaa ma ahayn in qabiil laga dhigo arinta, isaguna ma ahayn inuu way tolaayeey yidhaa oo uu arinta sharciga ka weeciyo oo uu mudaharaad ku baaqo waxana aan leenahay guddoomiye Ciro taasi ha ka waantoobo, Dadwaynahana waxa aan leenahay dawladnimadu waa inoo dhisan tahay ee ha loo daayo haybadeeda, maalintii aan codaynaynay waxa aan lahayn aan qabiil reebno ujeedadeenuna sidaas ayay ahayd ee arintu yaanay naga xumaan oo aanay kaadi kale na cabsiinin, salaadiinta, dadwaynaha iyo mutacalimiintuna yaanay ku milmin siyaasada.
 
Caaqil Dugsiiye oo ka mid ahaa cuqaashii halkaasi ka hadashay waxa uu yidhi  “ Waxa aan ku hadlaynaa waa dardaaran iyo waano, waxa aan u damqanaynaa waa waxii aan ku dhisnay Boorama ee dawladnimo ahaa, dalkan is ku tanaasulka iyo is xushmaynta ayuu halkan ku soo gaadhay, mana qaadi karo xabad iyo digdig iyo qabiil, xeer nabad iyo midnimo jidaynaya ayaan dajisanay, ninka wax doonayaana inuu idoorta yidhaa ayaan ku balanay, Barina waxa aan leenahay dawladu shalay ayay idiin timid ee goorma ayaad xabad ku baaqdaan, lama gaadhin taas ee dalka u haya xilkiisa sidii ay u hayeen kuwii idinka horeeyayba, taasi waa dardaaran aan ku wajahan dadka reer Somaliland. Waxa inoo dan ah nabada ee sidaas ha la ogaado, wixii shalay dhacayna ha laga noqdo, ninka wax doonayana nasiibkiisa ha qaado ee dadka ha yidhaa I doorta”
 
Caaqil Cabdi Cabdilaahi Qayaad oo isaguna hadalka qaatay ayaa yidhi “ Dalkan waxa u dhan wixii sharci dawladeed ahaa, dunidana waxa aan ka iibin jirnay nabadgalyo, nanadgalyadiina in lugta lagu laaqo ma aha, golaha wakiiladana waxa loo doortay horumar ee qabiil looma dooran, dalkana ha laga badbaabiyo jidka Xamar oo kale, waxana aan leenahay nabada ayaa lagu soo hiranayaa ee nabada dhawra, wixii idinka dhexeeyana fadhiga ku dhameeya”
 
Chief Caaqil Daahir Cismaan Cilmi oo isaguna hadalka qaatay ayaa yidhi “Waxa aan ka xunahay wixii shalay(doraad) dhacay, waxa aan tacsiyaynayaa cidii shalay ku dhimatay, waxa aan leenahay ha la ilaaliyo nabadgalyada, dalkana nin marti ugu mujaahiday, nin maal ugu mujaahiday iyo nin maskax ugu mujaahidayba waa loo soo wada jihaadaye aan wada ilaashano, siyaasiyiinta doobinaysana waxa aan leenahay nin walboow maskaxdaada miiska dhig oo wax tar ku hag oo ka daaya caruurta la kicinayo”
Xasan Caynaan oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi  “Mucaaridka  waxa aan leeyahay haddii ay kolba dhan u boodayaan oo ay dantooda qabiil ku raadinayaan iyaga ayay u taalaa, shacabkana waxa aan leeyahay ha u weelaynina nin aan danihiina u adeegayn ee fahma waxa idiin danta ah, maantana ma joogno maalin Qaran laga ordo oo qabiil lagu ordo”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply