Wasiirka Daakhiliga Oo Sheegay In Xisbiga Waddani Qabyaalad Ku Doonayo Kursiga Madaxtinimadda

0
400

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland  Md. Cali  Maxamed  Waran Cade,  ayaa ku hambalyeeyay shacabka ku dhaqan magaaladda Hargeisa sidii  aanay  dheg ugu dhigin dhawaaqii ka soo yeedhay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani,  ee  ahaa   inay  mudaharaad   isugu soo baxaan.
Waxa kale oo  uu sheegay in cadawga keliya ee ay ummadda Somaliland leedahay uu yahay qabyaaladda iyo amaan xumo timaadda, sidaas darteedna bulshadda looga baahan yahay in ay dhinac uga soo wada jeedsadaan cidii doonaysa in ay dalka khla-khal geliso.
Wasiir Warancade oo shalay shir jaraa’id  ku qabtay xafiiskiisa,  waxa uu sheegay in bulshada reer Somaliland ay ka koreen in siyaasi dano gaar ah  wataa uu ku guuro.waxaanu tilmaamay in aan  qabyaalad lagu  gaadhi karin xukunka dalka, isla markaana shacabku ay  hore u soo arkeen xumaanta iyo dhibaatadda ay  qabyaaladu leedahay.
 
 
isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan aad iyo aad uga xumahay dhacdadii sabtidii ka dhacday dalka ee qolyaha mucaaridku ay ku baaqeen in hantidii qarankani lahaa ee ugu qiimaha badnayd oo  ah  nabadgelyada in wax la yeeleeyo anigoo qaba in nin waliba dalkan xumo iyo wanaag wixii uu ka gesto ay isaga dusha u saarnaan doonto oo la gula xisaabtami doono, waxaanan jeclahay in aan aad iyo aad uga mahadnaqo dhamaan bulshada reer somaliland sidii ay dhagaha uga furasteen gaar ahaan bulshada reer hargeisa oo runtii dhagaha ka furastay ilmada yaxaaska ee siyaasiyiinta qaarkood ee bulshada horteeda ka muujiyaan, iyagoo doonaya dano u gaara oo shakhsi ahaaneed  in ay ku fushadaan iyadoo bulshada reer Somaliland ay tahay mid waayo araga oo il madaasi dhibaatada ay leedahay ay garanayaan oo hore ay ula kulmeen shacabka Somaliland oo aan o dhankaro waxa weeyaan umadaha caalamka ugu waayo aragsan waayo in taas oo goor ayaa siyaasi madaxa gidaarka ugu dhuftay oo ka soo go,een,maantase waa ummad  garanaysa dantooda markaa waxaan jeclahay in bulshada Somaliland uga mahadnaqo guud ahaan sida ay uga dhego adaygeen baroor-diiqdii loola yimid.”
Wasiirka Daakhiligu waxa uu tilmaamay in aan dalka qabyaalad lagu dhaqikarin xukuna lagu gaadhikarin. “Dalkani waa mid ku dhisan sharci doorashooyin iyo wax ka fog qabyaalada qabyaaladuna maaha waxa dhaqi kara dalkan mana, aha wax xukun lagu gaadhikaro mana, aha qabyaaladu wax inta xukunka cid laga qaado cidkale ku fadhiisankarto maaha, waxa weeyaan qabyaaladu waa wax foolxun dakana ka gudbay dhibteedana hore u soo arkeen”.
Dhinaca kale Cali Waran Cade, waxa uu sheegay in cadawga keliya ee ay ummadda Somaliland leedahay uu yahay qabyaaladda iyo amaan xumo timaadda, sidaas darteedna bulshadda looga baahan yahay in ay dhinac uga soo wada jeedsadaan cidii doonaysa in ay dalka khla-khal geliso.
“Bulshada reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa cadawga keliya ee aynu leenahay waxa weeyaan qabyaalada iyo amni xumada markaa waa in dawlad iyo shacaba dhan uga soo wada jeedsano cida doonaysa hadii ay tahay cadowga gudaheena iyo mid dibadeedba ee doonaysa in wax yeesho gidaarkaa adag ee aynu u dhignay nabadgelyada,markaa waxaan ugu baaqayaa in ciidamada amniga wada shaqeeyaan oo aanay noqon qaar la iska hor keeno laakiin ay noqdaan qaar saf balaadhan ugu wada jira in ay ilaashadaan dano hooda iyo nabadgelyadooda ayaan usoo jeedinayaa ,dalkana sida lagukala qaadi karo kursiga waa nidaam aanu dhiganay oo xisbiyeed oo ka fog qabyaalad waa nidaam ah ah yaa ummada wax u qabankara laakiin buuq iyo qabyaalad in ummada lagu burburiyo oo dhibloogu hor seedo ayaan ka soo horjeednaa” ayuu yidhi wasiir Waran cade.
By: Khadar Maxamuud Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply