Daacish oo Dishay la Hayste Maraykan ahaa

0
391

Mintidiinta Daacish ayaa internetka soo galiyay video muujinaya dilka ninka maraykanka oo ay haysteen ee Cabdul-Raxman Kassig. Waxaa loo yaqaanay Peter Kassig intuusan muslim noqon.
Filimka ayaa laga arkayaa niman madaxa u xidhan yihiin oo kortaagan madaxa Mr Kassig.
Waalidka Mr Kassig oo degan Maraykanka gobolka Indiana, ayaa bishii hore sheegay waxyaabihii ku qornaa warqad uu u soo diray wiilkooda oo uu ku sheegayo dhibka haysta.
“Waa dhibkii ugu waynaa ee qof qabsada, cabsida iyo culayska waa wax aan la aamini Karin,” ayuu ku sheegay qoraalkiisa.
“Waxay noo sheegaan inaad na hilmaanteen, laakiin waan ognahay inaad wax walba aad samaynaysaan.
“Ha walwalin aabe hadaan tago, kuma fekaraayo wax kale oo aan ahayn runta. inaad adiga iyo hooyo i jeceshihiin in ka badan bisha iyo dayaxa.”

Leave a Reply