Daladda Ururadda Aan Dawliga ahayn Ee SONSAf Oo Ka Hadlay Khilaafka Golaha Wakiiladda

0
444

Kulan maanta (shalay) ay isugu yimaadeen ururadda bulshada ee aan dawliga ahayn ee Somaliland waxay kaga tashadeen xaaladda siyaasadeed ee maata dalku marayo iyadoo sidaynu wada ogsoonahay uu cirka isku shareeray khilaafka Golaha Wakiilada ee Somaliland.
 
Kulankan oo ka dhacay xarunta SONSAF ee magaalada Hargeysa waxa lagu falanqeeyay xaaladaha taagan ee khilaafka golaha wakiilada, doorashooyinka iyo saamaynta ay inagu yeelan karaan waxyaalaha ka dhacaya mandiqadan aynu ku nool nahay ee gobolka Geeska Afrika.
 
Hadaba waxa kulankaas laga soo saaray qodobo muhiim ah oo bulshada rayadka ahi ugu baaqoyso dhamaan danayeysha siyaasada, iyadoo marwalba ay tahay in aynu ka feejignaano gacan shisheeye oo ka talisa arrimaha dhexdeena sidii dhacday 2009;
 

  • Waxa aanu taageero buuxda siinaynaa dhexdhexaadinta Golaha Guurtidu bilowday, anagoo isla barbar-taagayna wixii khibrad iyo farsamo aanu ku biirin karno si looga gudbo ismari-waagan oo muddo yar gudaheed dhawr jeer ingu soo noqnoqday, xal kama-dambaysana looga gaadho

 

  • Golaha wakiilada waxaanu usoo jeedinaynaa inay Ansixiyaan xubnaha Guddida Doorashooyinka sida ugu dhakhsaha badan si ay hawlahooda u bilaabaan maadaama wakhtigu aad u yar yahay, khilaafkan soo noq-noqday ee dhexdooda yaalana lagu dhameeyo xeer-hoosaadka golaha iyo sharciyada kale ee dalka

 

  • Xukuumadda waxaan u soo jeedinaynaa muranda siyaasiga ah ee aloosan in lagu xaliyo is-qancin iyo isku tanaasul iyadoo mar kasta la dhawrayo Dastuurka dalka iyo xeerarka ka farcama, in sidoo kale lasii daayo dadkii lagu qabtay dhacdooyinkii shalay

 

  • Ciidamada Amaanka waxaanu usoo jeedinaynaa inay dadweynaha si naxariis leh ula dhaqmaan xiliyada ay dareenkooda cabirayaan

 

  • Xisbiyada Qaranka waxaanu usoo jeedinaynaa inay ka wada shaqeeyaan sidii ay inoogu dhici lahaayeen doorashooyin xor iyo xalaal ah, kuna qabsooma wakhtigii loogu tala galay

 

  • Dadweynaha reer Somaliland waxaanu usoo jeedinaynaa in ay nabad-gelyada ilaaliyaan, kana fogaadaan falal keeni kara amni darro, in dareenkooda si nabad-gelyo ah u cabiraan, in is-mariwaaga siyaasiga ah u daayaan golayaasha ay khusayso.

 
 
______________________________
Mustafe Sacad Dhinbiil
Guddoomiyaha SONSAF

Leave a Reply