Wakiiladda Ganacsatadda Itoobiya oo Soo Dheweeyey Heshiiskii Labada Dal

0
430

Hargeysa (Dawan): Ganactada Reer Itoobiya iyo Wakiiladooda Somaliand ku Sugan ayaa si weyn u soo dhaweeyey in Somaliland iyo Itoobiya ay ku Heshiiyeen Isticmaalka Dekeda Berbera oo ah marsada ugu caansan gobolka Geeska Afrika, kuna taalla Goob Istaraatiijiyad ka leh Caalamka oo dhan.
Hadaba, Heshiiska Farsamo ee Dhex-maray Weftigii Miisaanka Cuslaa ee Itoobiya ka socday iyo Kan Somaliland waxaa ugu muhiimsan dhismaha Wadada Isku Xidha Berbera iyo Wajaale ee loo yaqaano Berbera Corridor kaasi oo Midowga Yurub Maal-galinayo iyo Fududeynta Isticmaalka Dekada Berbera.
Mid kamid ah Wakiilada Ganacsatada Itoobiya ee ku sugan dalka oo Lagu magacabo Axmed Gaab ayaa ka hadlay aragtidiisa heshiiska labada dhinac dhex-maray oo ay ku tilmaameen mid taariikhi ah waxaanu yidhi “Waan Sii Dhaweynaya Heshiiska labada dhinac ee Isticmaalka dekeda Berbera, Waliba waxaan Jecelahay in Gudiyada farsamo ee balansan ay si weyn u sii hirgaliyaan heshiiskaasi tusaale ahaan in Wasaarada Maaliyada Somaliland ay fasaxdo Ganacsiga Tranist-ka ee dekeda Berbera u soo mara dadka reer Itoobiya.
Anigoo u mahad-naqayaa Wasiirka Maaliyada oo goob-joog ka ahaa Arrinkaasi waxaan u soo jeedinayaa inuu hawshaas xilka iska saaro waxaanan maamulka Dekeda Berbera ku amaanayaa doorka ay ka qaateen heshiiska iyo danaha ay u hayaan inuu hirgalo mar kasta.”
Dhinaca Kalena Ganacsade kamid Ganacsactada Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa heshiskaasi Soo Dhaweyay oo lagu magacabo cabdi jamac ayaa yidhi “itoobiya iyo Somaliland inay ku heshiiyaan isticmaalka Dekeda Berbera oo waliba heshiis farsamo oo qeexaya wax walba sida loo isticmaalayo in la sameeyaa waa mid aanu soo dhaweynayno inta badan Wasaarada Maaliyada ee Somaliland waxay naga Doontaa Cashuur hadiise lagu heshiiyo qaabka ah transit sida Dekedaha kale waxay noqonaysaa mid macno badan u leh labada bulsho ee walaalo ah waxaan rajaynayaa in berbera oo aad inoogu dhow aan isticmaalo waxaanan ku talinaya in heshiiska kasii sal balaadho oo labada dhinac iskaashi dhinacyo baddan ah ay yeeshaan” ayuu yidhi
Ganacsatadani Dhanka kalena waxay hambalyo u direen Xukuumada Somaliand ee ka Shaqeysay Heshiiska Labada Dhinac Dhexmaray waxaanu hadaladoodii kamid ahaa “Heshiiska Labada Dawladood Dhexmaray ayaa waxa uu ku yimid dadaalka Xukuumada Somaliland ee iibgeynta Dekeda Berbera iyo Madaarka Caalamiga ah ee Berbera oo muhiimad weyn u leh wadankan waxa socdo kulamo badan oo lagu lafo gurayay heshiiskaasi iyo iskaashi sal balaadhan oo dhexmaray labada dawladood taas oo weftigii ugu cuslaa ee ka yimaada dalka itoobiya oo uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyada ee Dalka Itoobiya Ahmed Sufyan uu Booqday Dekeda Berbera iyo qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay ee soo dejinta badeecadaha dhoofinta iyo soo dejinta”
Waxaanu Intaasi Raaciyey Inay weftigu sido kale booqdeen magaalada wajaale ee xuduudka ku taala.
Ganacsade Bade Oo kamid ah Ganacsatada Reer Itoobiya ayaa isna hoosta ka xariiqay
Dadweynaha itoobiya Ku Dhaqan ayaa gaadhaya ilaa 100 milyan oo ruux kuwaasi oo hamuun u qaba inay ganacsi isweydaarsadaan dadka reer Somaliland iyo waliba isticmaalka Dekeda Berbera
Heshiiska Ayaa Somaliland waxa u sexeexay Wasiirka Arimaha Dabada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis halka Dhanka Itoobiyana uu u sexeexay Wasiirka Maaliyada ee Dawlada Itoobiya Suufiyaan Axmed taaso ka danbeysay booqasho rasmi ah oo ay wasiiro muhiim ah oo ka socda dalka itoobiya ay ku yimaadaan dalka Somaliland.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply