Hindiya: Macalimad Arday Yar iyada oo Ciqaabaysa uu dhintay

0
403

Dalka Hindiya  magaalada New-Delhi caasimada dalkaasi ayuu ku dhintay arday yar oo lix jir ahi gacanta macalimadii wax baraysay. Sida uu qoray wargeyska DailMail ee dalka Ingriiska macalimadda ayaa wiilkan baraysay luqadda Englishta waxayna ka rabtay inuu ku hadlo luqdaasi. Ardayga ayaan ku hadal English laakiin ku hadlay luqadda deegaanka, taasi oo ay macalmadu aad uga xanaaqday waxayna ardayga yar ku tuurtay gidaarka halkaasi oo uu muday musbaar. Wiilkan ayaa gurigooda loo qaaday loona gudbiyay dhakhtarka halkaasi oo saacdo ka dib uu ku dhintay Ardayga yari. Qaraabada wiilkan yar ayaa dugsiga ka hor mudaharaaday iyago codsaday in macalimadda la xidho maadaama ay gesaytay dil ukas ah.

Leave a Reply