Jin Codsaday In La Badbaadiyo

0
455

Sida uu qoray wargeyska Alyoum, isagoo soo xiganaya warar sugan  ayaa sheegay in la  sixray qoys Sacuudiyaan ah oo ka koobnaa 9 qof.  Qoyskan ayaa sida wargeysku sheegay ka cabanayay muddo saddex sano ah xanuun sixir ah iyagoo sixirkaasi ku eedanayay nin saaxiroole ah oo u dhashay dalka Sudan. Qoyska ayay haysatay dhibaato xanuuna oo wakhtina ka yaraanaysay mar kale dhib badan ku haysay. Dhaakhtiirta ay u sheegay in aanay jirin wax xanuun ah oo ay ka heleen.  Sida wargeysku cadeeyay maalin ayay gabadh qoyska ka mid ahi aad u ooday, waxaana u yimi wiil ay walaalo yihiin oo waydiiyay waxa ku dhacay, nasiib wanaag waxa ka dhex hadlay nin, kaasi oo sheegay inuu yahay Jin  lagu soo sixray oo aanu ka bixin karin, una baahan yahay in loo gargaaro sii uga baxo jeelkan. Waxaan uu sheegay in haddii uu ka baxo isaga la dilayo.  Jinkan ayaa codsaday in la xoreeyo waayo waxa uu sheegay in isaga laftiisa ay dhibi haysato, waxaana uu bilbaabay inuu aad u qayliyo isagoo ku dhawaaqaya erayga Miliit oo ah gargaar. Jinkan aya qoyska u tilmaamay meelihii la dhigay sixirka oo dhan halkaasi oo laga helay timo iyo waxyaabo kale oo la isku xidhay. Ninka Suudaaniga ah ayaa booliisku xidhay, nasiib wanaag markii danbe saaxiroolaha Sudaaniga ah ayaa qirtay inuu isagu sixirkaasi sameeyay.

Leave a Reply