Gaadhi Ambalance Ah Oo Halkii Uu Dad Badbaadin Lahaa Qaar Kale Galaaftay

0
393

Gaadhi kuwa gurmadka deg dega ah loona yaqaano Ambalance-ka ayaa shil halisa ah galay ,kadib markii uu isku deyey inuu badbaadiyo qof uu kula cararaayey goob caafimaad oo dhakhtar ah,taas oo keentay inuu nafo kale galaafto halkii uu doonaayey inuu naftaasi badbaadiyo.
Gaadhigan ayay is jiidheen gaadhi kale ,isaga oo waqtigaasi ku socday xawaare aad u sareeya,waxaanay taasi keentay inuu isaga iyo dadkii uu siday ba waxyeeloobaan,sidoo kalena ay dad kale wax ku noqdaan,waxaanay arrintani ka dhacday dalkaasi Shiinaha magaalo ku taala.
Gaadhigan iyo dhacdada ku dhacday ayaa noqotay mid aad u naxdin badan ,iyada oo kiiskaasi lagu sameeyey daba gal badan,waxaana markii  dambe la helay  mid kamid ah camera-daha wadooyinka lagu xidho oo duubtay,sidaasna waxa lagu sheegay warbixin ay qoray wakaalada wararka ee The Associated Press,iyada oo soo xigatey wargeyska lagu magcaabo Russian To Day.
Dhacdadan ayaa lagu sheegay inay ahayd midii ugu xumayd,taas oo keentay in dadkaasi dhakhtarada loola cararo,iyada oo iminka dadkii waxyeeladu kasoo gaadhey lagu daweynaayo qaar kamid ah dhakhtaradda dalkaasi ,gaar ahaana magaalada shilkaasi ka dhacay,iyada oo dadkii waxyeeladu kasoo gaadhey qaarkood ay soo gaadheen dhaawacyo halis ahi.
 
 

Leave a Reply