Zimbabwe: Madaxweyne kuxigeenkii oo Xoog looga Saaray Guddiga Dhexe ee Xisbiga Talada haya

0
459

Madaxweyne ku xigeenka dalka Zimbabwe Joyce Mujuru ayaa xoog looga saaray guddiga dhexe ee xisbiga talada haya ee ZANU-PF, arrintaasi oo shaki gelisay mustaqbalkeeda siyaasadeed.
Waxa lagu eedeeyay in ay maleegeyso qorshe lagu khaarajinaayo madaxweynaha sagaashan jirka ah ee dalkaasi ee Robert Mugabe, eedeymahaasi oo ay ku tilmaantay sharaf dhac.
Xaaska madaxweyne Mugabe oo la rumeysan yahay in ay dooneyso in ay Mugabe xilka kala wareegto marka uu  xilkaasi ka dego ayaa dhawaan billowday olole ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka dalka. Shakhsiyaad kale oo ku dhawaa Joyce Mujuru ayaa sidoo kale jagooyin ka waayay guddiga dhexe ee xisbigani.
Mrs Mugabe
Mr Mugabe  ayaa laga yaabaa inuu doonayo inuu hoggaamiye kale  booska kuxigeenka Zanu-PF, halka ay  Mrs Mujuru  sii ahaan doonto madaxweyne kuxigeenka dalka.
.
Mrs Mujuru waxa ay ka soo qayb qaadatay halkagii  jabhadaynta  1970 meeyadii ee ka dhanka ahaa xukunkii caddaankii tirade yaraa.
 

Leave a Reply