Baarlamaanka Thailand oo Mamnuucay Kirada Makaanka Dumarka

0
397

Baarlamaanka Teyland ayaa u codeeyay in la mamnuuco ka ganacsiga makaanka dumarka oo la kireeyo k.
Arrinta ayaa ka danbaysay markii ay qaylo ka soo yeedhay dhaqankaasi ganacsi ee aan sharciga ahayn oo sii ballaadhay.
Mooshinkan sharci ayaa waxa  lagu ansixiyay jimcihii 177 cod, waxaana ka mid ah xeerkaasi in lagu qaadi karo kuwa jebiya 10 sano oo xadhig ah.
 
Bishii  August ayaa warbaahinta caalamku baahisay in ay qoys reer Australiya ahi ay isaga tageen wiil ugu dhashay habkaasi kirada makaanka ah, taasi oo lagu sheegay sababteeda in ilmahaasi oo lagu magacaabay  Gammy uu qabay cudur ay daawayntiisu ku kacayso kharash badan.
Sida oo kale cadhada loo qabo dhaqankaasi ayaa circa isku shareertay markii la ogaaday  nin Jabaan ah oo habkaasi makaanka kirada ah ugu noqday aabe sagaal carruur ah.
Xukunka milateriga ah ee qabsaday Thayland  bishii May ayaa ballanqaaday in ay soo afjarayaan ganacsiga makaanka dumarka ee la kireeyo.
Xildhibaan Wallop Tungkananurak ayaa u sheegay wakaalda wararka  AFP in ay doonayaan in ay joojiyaan fikrada caalamku ka qabo ee ah in ay Thayland athay warshad soo saarta carruurta.

Leave a Reply