Hargaysa: SONYO Oo Casho Sharaf Ku Maamuustay Dr. Maxamed C/laahi

0
422

Hargeysa (Dawan ): Masuuliyiinta Dalladda Ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay  Wasiirkii hore ee Ganacsiga  Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.
Dr. Maxamed C/laahi ayaa   dhawaan Ururrada Midawga Yurub iyo Midawga Afrika u magacaabeen Masuul sare oo diblomaasi oo ka hawl gali doona xallinta khilaafaadka Qaaradda Afrika.
Kulankaasi  Casho sharafta ah ee Wasiirka lagu bogaadinayay xilkaasi sare ee uu qabtay waxa lahayd Dalladda SONYO. Kulankan waxa dhinaca SONYO goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Dalladda Heer Qaran ee SONYO Md. Mubaarik Ismaacioil Taani oo uu wehelinayay Xildhibaan Cabdirisaaq Xuseen oo ka mid ah Golaha sare ee dallada SONYO iyo waliba masuuliyiin dhallinyaro ah oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Maxamed Amiin oo ka mid ah Golaha Deegaanka Gabilay, Agaasimaha Fulinta Dalladda SONSAF Md. Maxamed Barawaani, Agaasimaha HYDA Md. Khaalid Jaylaani iyo Aqoonyahano kale oo dhallinyarada dalka ka mid ah.
Ugu horrayn Guddoomiyaha Dalladda heer qaran ee SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani oo kalmedo soo dhawayn iyo hambalyo ah madasha ka jeediyay waxa uu Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar ku hambalyeeyey xilka dhawaan loo magacaabay oo ah xil sharaf iyo magac u soo hooyey qarankeena iyo shacabkeenaba kaasi oo ah arrin mudan in la hambalyeeyo maadaama masuul qaran oo dalka xil ka soo qabtay loo doortay in uu qaaradda Afrika oo dhan ka shaqeeyo. Guddoomiye Mubaarik waxa uu arrintan ku tilmaamay mid dhiiri gelin u ah aqoonyahanka dalkeena oo berry ka maalin iyana xilal kale oo dunida sharaf ku leh qaban kara gaar ahaan diblomaasiyiinta iyo khubarada dalkeena taasina tahay wax dalkeena milgo iyo maamuus ugu filan, isla markaana ay mudan tahay in masuul kasta oo xil dunida ka qabta lagu hambalyeeyo si aynu isu dhiirri gelino keena wax wanaagsan qabta ama xaqiijiya dalkiisana magac u soo hooya.
Guddoomiyaha SONYO iyo guud ahaan Masuuliyiintii kale ee Xafladdan Casho sharafta ah ka hadlay waxa ay dhammaantood iska daba mareen sida ay ugu faraxsan yihiin in Masuul soo qabtay xil dawladeed oo Somaliland ah loo magacaabo Diblomaasi sare (Senior Diplomat) oo ka shaqayn doona xallinta Khilaafaadka qaaradda Afrika, xilkaasi oo uu ku wehelin doono masuuliyiin sare oo qaaradda Afrika xilal culus ka soo qabtay dalalkooda sida Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya Ato Seyoum Mesfin, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Kenya Moses Masika Wetangulaiyo masuuliyiin kale.
Agaasimaha Dalladda Jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF Md. Maxamed Axmed Maxamuud Barawaani oo madasha hadalo ka soo jeediyey ayaa sheegay in ay tahay wax lagu farxo in Masuul hore xil uga soo qabtay dawladda Somaliland maanta loo magacaabo xil sharafeed aad u mihiim ah oo heer qaaradeed arrinkaasi oo wax weyn ka tari doona qaddiyadda dalkeena Somaliland iyo shacabkiisa.
Dhammaan masuuliyiinta xafladdan casho sharafta ah wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ku hambalyeeyey ee madasha ka hadlay waxa ay ku dheeraadeen muhiimadda xil noocan oo kale ah in loo magacaabo muwaadin reer Somaliland ahi in ay tahay sharaf uu dalka iyo dadkiisa u soo hooyay taasi oo mudan in aqoonyahankeenuna ay mansabyo sharaf leh ka qaban doonaan dunida.
Ugu dambayn Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland waxa uu u mahad celiyey Masuuliyiinta dalladda SONYO iyo masuuliyiinta kale ee ururada maxaliga ah ee madashan ku sharfay waxaanu sheegay in uu ku dadaali doono in xilkaasi uu qaaradda Afrika u qabtay uu si xilkasnimo ah u gudan doono si uu dalkiisa Somaliland sharaf iyo maamuus ugu soo hooyo si berri ka maalin diblomaasiyiinteenu u noqdaan kuwo mansabyada qiimo badan ee qaaradda Afrika iyo dunidaba ah looga diran karo, arrinkaasi oo qarankeena sumcad weyn ugu filan. Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu dalka iyo dadkaba u rajeeyey in Ilaahay SWT meel sare gaadhsiiyo umaddiisuna isku duubni iyo wanaag wax ku qabsadaan una horumariyaan dalkooda.
Dhawaan ayay ahayd markii Midawga Yurub iyo Midawga Afrika xil ku saabsan xallinta Khilaafaadka ah hab khabiirnimo ugu doorteen Masuulkan oo soo qabyay xilka wasaaradda Khaarajiga Somaliland.
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply