Guddidii Farsamo Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Cayimay Xiliga ay Furmayaan Wada Hada-hadaladii labada Dal

0
380

Istanbul (Dawan): Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in wadahadaladii u socday labadda dhinac ay mar kale bisha January ee sanadka 2015 dib uga furmaan dalka Turkiga,  Sidaasina waxa   noo xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Dawan, isagoo ku sugan Istanbul.
 
Xubno    guddi  farsamo ah oo      ka kala socday  Somaliland iyo Soomaaliya  oo maalmahanba ku sugnaa dalka Turkiga  una  sii gogol xaadhaya  wada hadalada dambe  ayaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. waxaanay labada dhinac kulankaasi ku heshiiyeen in aanu mar kale dib  uga dhicin xiliga loo cayimay  sii anba qaadka shirkaasi.
Maxamed waxa uu sheegay in ay isla qaateen in wada hadaladaasi ay dib u furmi doonaan badhtamaha  bisha January ee sanadka soo socda, isla markaana uu ka dhici doono  magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga.
waxa uu tilmaamay wasiirku  in kulanka ay yeesheen weftiyada Somaliland  iyo Soomaaliya oo ahaa mid kooban, u jeedadiisuna ay ahayd  mid  loogu  gogol xaadhayay in loo balamo wakhtiga iyo meesha uu ka qabsoomi doono shirka soo socda, isla markaana ay labada dhinac soo diyaarsadaan qolo waliba  ajendaha ay shirka la imanayso.
 
waxaanu yidhi “Waanu la kuanay xubnaha ka socday dhinaca Soomaaliya, laakiin kulanku waxa uu ahaa uun mid kooban, sida ku jirtay heshiiskii, waxay ahayd in 45 cishaba mar ay kulmaan gudidda farsamo ee labada dhinac, 3-dii biloodba marka la shirro, arrimahaasina way soo raagtay. Markaa waxaa loo balamay in aanu xubnahayaga labadda dhinac is-aragno, si aanu jaangoyno maalinta uu dhici doono shirka soo socda iyo meesha uu ka dhici doono ajandahana ay qolo waliba soo diyaarsato in hawlahaasi aanu isla qaadano”.
Wasiirka oo ka hadlayay wakhtiga ay isla qaateen inuu dhaco shirka iyo  halka uu ka dhacayo  waxa uu yidhi “Waxaanu isla qaadanay in uu shirku dhaco 15 ilaa 16 bisha January ee sanadka 2015-ka, isla markaana uu ka dhaco magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga, xubnaha ka socday Soomaaliya ee aanu kulanka yeelanay laba ayay ahaayeen anaguna laba ayaanu ahayn. Ajandaha iyo waxaasi  waanu soo diyaarsan doonaa laakiin aasaasku wuxuu  ahaa in aanu go’aanka gaadhno maalinta uu shirku dhacayo iyo meesha lagu kulmayo, ajandahana”.
 
 
Wasiirka mar la waydiiyay su’aal ahayd in sababta soo dedejisay in shirkani la qabto mar kale, iyadoo uu dhawr jeer xilligii loogu tallogalay dib uga dhacay ay keentay baaqyo ay soo jeediyeen madax kala duwan oo ka qaybgalay shirkii Denmark, waxa uu ku jawaabay “Way ka hadleen masuuliyiintaasi aad  sheegtay, oo wada hadalad ain dib loo soo celiyo ah,  awalna waxaa wada hadaladda  dib u dhigay dhibaatada faraha badan ee xagga qolada Soomaaliya  dalkooda ka jirta ayay ahayd, waanad la socotaa oo aad ayay isaga dhibaataysan yihiin wax la garowsan karo weeye, wada hadaladuna marna isma taagin ee dib ayay u dhaceen. Hase yeeshee waxaanu imika isla qaadanay in dardar cusub la geliyo dhakhsana la isugu yimaado” ayuu yidhi wasiirku.
 
Maxamed Biixi Yoonis, oo  la waydiiyay in dib u dhacyadii ku yimid shirkani ay sabab u ahaayeen dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya in sidoo khilaafka madaxda Soomaaliya uu sababi karo dib u dhac mar kale ku yimaada wakhtiga loo balamay qabsoomida shirkaasi, waxa uu yidhi    “Way dhici kartaa in uu mar kale dib u dhaco, laakiin ma filayo  taasi waayo   anagana way naga go’an tahay iyagana way ka soo go’day, mar kalena lama sugi karo, khilaafkooda jirana in uu  wada hadal ku u   joogsado ma aha ee waa in uu socdo weeye laakiin, waxaanu filaynaa bil ayaa ka hadhsan wakhtiga shirka loo balamay oo ay bishaasi hawlahooda dhamaystaan”.
Xubnaha weftiga ee ka socday dhinaca Soomaaliya  ayaa  ka koobnaa   laba  uu midkood wasiir yahay, halka dhinaca Somaliland na ay u metelayeen wasiirka arrimaha dibada iyo wasiirka madaxtooyada.
Sidoo kale waxaa kulankaasi ay yeesheen labada dhinac   goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka socday dawladda Turkiga oo iyadu shirka marti gelisay.
 
by: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply