Dharka Askarta Maraykanka oo lagu Xidhayo kameerado

0
390

Madaxweyne Obama ayaa ku baaqaya in aad sare loogu qaado kameerooyinka lagu xidho jidhka askarta ka mid ah booliska, taas oo daba socota dilka wiil aan hubeysneyn oo madow ahaa oo lagu toogtay deegaanka St Louis duleedka Ferguson.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli uu la kulmayo hogaamiyayaasha ururada xuquuqda dadka, taas oo daba socota dibad bax rabshado sababay oo ka dhashay go’aankii ahaa inaan la dacweyn karin askeriga dilka geystay oo cadaan ahaa.

Mr Obama ayaa sheegaya inuu doonayo 75 milyan oo dollar, oo lagu bixiyo kaamerooyiin yaryar oo lagu xidho dharka askar gaadheysay 5kun, ayna xidhaan kaamerooyiinkaasi marka ay shaqada ku jiraan.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa qorsheynaya in seddax sano lagu dhiso barnaamij kalsooni dhexdhigi kara booliska iyo dadka rayid ka ah, taas oo ay ku bexeyso 263 milyan oo dollar.

Leave a Reply