Mucjiso: Ma Dhabaa Roob Kaluun Ah Ayaa Da’?

0
469

Roobka ayaa ah mucjisooyinka Allah (sw) ee dunida kaasi oo mar raxmad ah marna ciqaab noqda. Waxaa dunidan ka da’a roobab kala duwan sida Roob kaluun ah, mid Rah ah, mid dhiiga ah iyo mid caarooyin ah. Dhamaantood waa ku dhacay.
Haddaba dalka Hunduraas oo ah dawlad yar oo ku taal badhtamaha Amerika ayaa waxa ka da’ sanad kasta bilaha Juun iyo July roob kaluun ah, waxaana lagu magacaaba roobka kaluunka ah. Roobkan ayaa ka da’ magaalo yar oo lagu magacaabo Yuuro , Kaman da’o dalka intiisa kale,magaaadan ayaa u jirta xeebta badweynat Atalantiga 140 Km. Waxa soo kaca daruuro madaw oo wata onkod iyo hilaac fara badan iyo weliba dabaylo aan kala go’ lahayn. Culimada ayaa ku wareertay sababta keenaysa kaluunkan., waxayna sheegeen in dabaylaha roobkani ay kaluunka ka soo qaadaan xeebta Atlantiga. Magaaladan oo ka fog a badda ayaa la sheegay in aanay taasi suurtagal ahayn. Waxa kale oo la cadeeyay in kaluunkani uu yahay nooca ku nool biyaha macaan , oo aanu ahayn kan ku nool biyaha milixda. Si kasta oo ay tahay waxay ay tani ka mid noqotay mucjisooyinka dunida ka jira mid ka mid ah.
 

Leave a Reply