Tartan Kubbadda Cagta ah Oo Lagu Xusay Abwaan Timo-cade Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Gabiley

0
466

Gabiley(Dawan): Wasiiradda Wasaaradaha  Dhallinyarada iyo iyo Wershadaha  Cali Siciid Raygal iyo Abiib Diiriye Nuur, ayaa  ka qaybgalay munaasibad lagu soo xidhayay tartan ciyaareed kubbadda cagta ah oo loogu magacdaray abwaan C/laahi Suldaan Tima Cadde, kaasi oo shalay lagu qabtay magaaladda Gabiley.
Munaasibadii lagu soo gunaanaday tartan ciyaareedkaasi ayaa waxa ka soo qaybgalay  masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray Wasiiro, xildhibaano ka tirsan goleyaasha Wakiiladda iyo deegaanka ee Gabiley, badhasaabka gobolka Gabiley, maamulka dawladda hoose, isu duweyaal iyo marti sharaf kale.
Wasiirka Ciyaaraha, Cali Siciid  Raygal, oo gunaanadkii tartankaasi hadal ka jeediyay, ayaa dhallinyaradda kula dardaarmay inay ka fogaadaan  balwadaha xun xun iyo arrimaha kala qaybinta ku keena dhallinyarada sida siyaasadda.
waxaanu yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa dhamaanba  kooxihii tartankaasi ka qaybgalay eek u ciyaarayay magaca abwaankeenii waynaa ee Alle ha u naxariistee C/laahi Suldaan Timo Cadde aad iyo aad ayaanay muhiim u tahay in aynu bulshadeena xasuusino abwaankeenii waynaa oo ah abwaan aad iyo aad inoogu qaali ah”.
Wasiirka wershadaha Abiib Diiriye Nuur, oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa amaan u soo jeediyay dhamaanba kooxihii tartankaasi ka qaybqaatay, waxaanu u soo jeediyay da’yarta inay iska ilaaliyaan waxyaabaha kala fogaynaya isla markaana  ay sameeyaan isku soo dhawaansho dhexdooda ah.
Waxa kale oo uu wasiirku ka hadlay abwaan Timo-cade  iyo doorkii uu bulshadda kaga jiray  gaar ahaana dhinaca   gabayada isagoo arrimahasi ka hadlayayna, waxa uu yidhi “Magaciisa uun ma ahee inta aragtay way yar tahay gaar ahaan dhallinyaradiinan, C/laahi Suldaan wuxuu ku caan baxay ama ku sifoobay in uu ka hadli jiray muwaadinimada iyo danta guud, kama uu hadli jirin qabyaalada iyo musuqmaasuqa ayay gabayadiisu ahaayeen”.
Badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)  oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay ahmiyadda ay tartanadda noocaasi  oo kale ahi u leeyihiin dhallinyarada, waxaanu yidhi “Tartan ciyaareedkaasi iyo kuwa kala midka ahiba faa’iido badan ayay u leeyihiin guud ahaanba dhallinyarada gobolka Gabiley C/laahi Suldaan waxa uu ahaa nin  mudan in lagu daydo, ilaa hadana nin gaadhay rikoodhkii uu dhigay aanu jirin, haddi ay tahay sharafta, wanaaga, dadnimada, cod wanaagiisii iyo dhawrsanaanta, markaa halkii uu gaadhay sidaa darted ayay u tahay in la hiigsado”.
 
Dhinaca  kale maayarka magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa ku  amaanay kooxihii tartankaasi ka qayb qaatay sidii wanaagsanayd ee anshaxa lahayd ee ay muujiyeen.
 
Waxaanu yidhi  “Hambalyo ayaanu diraynaa kooxihii ka qaybqaatay tartanka, labadii kooxood ee ciyaarta gebagabada wada ciyaaray sida  wanaagsan ee ay u soo bandhigeen ciyaar wanaaga  iyo akhlaaqdu ay ku dheehan tahay, waanu  ku amaanaynaa”.
Sidoo kale isu-duwaha Wasaaradda Ciyaaraha ee gobolka Gabiley, Siciid Saleebaan Muumin, oo ka waramay ujeedadda tartan ciyaareedkaasi iyo kooxihii ka qaybqaatay, waxaanu mahadnaq ujeediyay maanba masuuliyiintii kala duwanaa ee xidhiidhka tartankaasi kala soo qaybgalay.
Tartankaasi kubbadda cagta ah ee lagu xusayay Alle ha u naxariistee Abwaan C/laahi SUldaan Tima-cade, oo  socday muddo toban maalmood ah, isla markaana ay soo qaban qaabisay, isla markaana ay fulinaysay wasaaradda ciyaaraha, ayaa intii uu socday  waxaa qayb qaatay lix kooxood oo laba ka mid ahi ay ka kala socdeen magaalooyinka Arabsiyo iyo Wajaale ee gobolka Gabiley, halka afarta kooxood ee kalena  ay ka mid ahaayeen kooxaha heerka koowaad ee ka dhisan magaaladda Gabiley.
Ciyaartii final-ka  ama kama danbaysta waxaa isugu soo hadhay labadda kooxood eek u kala ciyaarayay dawladda hoose iyo Asluubta, iyadoo halkaasi ay guushu ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca dawladda hoose oo kooxda kale kaga badisay 1:0 ay kaga badisay kooxdii ku ciyaaraysay magaca ciidanka Asluubta.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply