‘Waxa Madaxweyne Siilaanyo uu Bil Gudaheed Xadhiga Ka Jaray Lix Mashruuc’

0
401

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Faysal Cali Sheekh ayaa sharaxaad iyo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay waxqabadka xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo muddadii ay xilka haysay.
 
Mudane Faysal Cali Sheekh waxa uu sheegay in waxqabadka xukuumadda Somaliland ay ku tallaabsatay uu tahay mid baaxad leh oo si cad u muuqda, waxaanu agaasimihu tusaale u soo qaatay lix mashruuc oo madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu xadhiga ka jaray muddo bil gudaheed ag, mashaariicdaasi oo dhamaantood ah kuwo cusub.
 
Agaasimahu  waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad uu ka jeediyey xafladdii xadhigaga lagaga jarayay dhismaha cusub ee labada dabaq ah ee ay yeelatay wasaaraddiisu salaasadii toddobaadkii hore, isaga oo ka warramay ahmiyada dhismahan cusub ee xarunta u noqday wasaaraddiisa oo ay uga guurtay gurigii hore ay ugu jirtay oo la dhisay muddo 67 sanno ka hor ah, isagoo ku tilmaamay inuu qayb ka yahay waxqabadka ballaadhan ee ay dalka ka samaysay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo muddadii ay xilka haysay oo uu sheegay inuu yahay wax aan cidi dafiri Karin.
 
Mudane Faysal Cali Sheekh isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa dad badani ku doodaan xukuumaddani way iska sheegataaye waxba ma qababto ama way faantaa, anigu suxufi baan ahay oo inta badan ka mid baan ahaa dadkii wax ka sheegi jiray ama ka qori jiray xukuumadaha, waxa xaqiiqo ah in ka badan lix mashruuc oo wada cusub ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xadhigga ka jaray muddo bil gudaheed ah oo ay ka mid tahay Wasaaraddan Boosta iyo Isgaadhsiintu, shaki kuma jiro in xukuumaddani tahay tii waxqabadka, muddadaasi afarta sanno ah ee ay jirtay wax fara badan ayaa adeegyadii ay qaabilsanayd laga qabtay sida waddooyin, madaarro, xafiisyo dawladeed oo wasaarado ama hay’ado madaxbannaan ha noqdaane intaba wax wayn baa laga qabtay, ummadda oo dhamina waa ka markhaati ee maaha wax la sheeganayo.”
 
“Tusaale yar haddii aan soo qaato, anigu agaasime ahaan waxaan soo maray saddex wasaaradood intii xukuumaddani jirtay, waxaan ugu horreeyey Wasaaradda Warfaafinta oo aan ugu tagay Radio yar oo FM ah oo 10 Watt ah oo aan gaadhin Buurta kala Jeexan (Darafka galbeed ee Hargeysa), waxa maanta yaal oo noo suurtogalay aniga iyo madaxdii kale ee waqtigaasi joogay iyo Madaxweynaha oo hormood noogu ahaaba in la keeno idaacad 100KW ah oo caalamka oo dhan runtii wada gaadha. Waxa kale oo aanu caalamka oo dhan wada gaadhsiinay telefishanka Qaranka.
 
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo markii dambe la ii beddelay dhismihii ay ku jiri jirtay waa la xasuusanyahan oo u eekaa guri xaas, maantana guri wayn oo dhismihiisii iyo dhulkiisii leh bay ku jirtaa. Wasaaraddan Boosaha iyo Isgaadhsiintuna waa tii saddexaad ee aan xil ka soo qabto oo aynu xadhigga ka jarayno dhismahaa quruxda badan oo si casri ah u qalabaysan.”
 
Agaasimaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Faysal Cali Sheekh waxa kale oo uu ka hadlay wadashaqaynta ka dhaxaysa shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka oo uu sheegay inay si wayn u kala koreen wasaaraddiisa oo ay isku noqdeen xidigo iyo wax dhulka jooga, balse hadda ay isku dayayaan inay ku dhawaadaan, isla markaana ay dhawaan keenayaan qalabkii lagu maamuli lahaa shirkadaha isgaadhsiinta si looga qaado cashuurta ku waajibtay.
 
Mudane Fasyal Cali Sheekh isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi, “Maanta dunida casriga ahi waa dunida tiknoolajiga, dalalka caalamka intooda badan wasaaradaha ama hay’adaha ugu sarreeya dhinaca dakhliga waa kuwa isgaadhsiinta marka teenna laga reebo.”
 
“Innaga wax badan baa la eedeeyaa shirkadaha isgaadhsiinta, annagu odhanmayno shirkaduhu waxba ma bixiyaan, odhanamayno wixii loo baahnaa way bixiyaan, laakiin hadda waxaannu ku hawlnahay in aannu xaqiiqada isla gaadhno oo waxa noo qorshaysan in aannu keenno qalabkii lagu maamulayey isgaadhsiinta ee lagula soconayey cashuuraha ee tirinayey daqiiqadaha telefoonnada lagu hadlo iyo isku-xidhkooda. Qalabkaasi aannu keenaynaa wuxuu noqonayaa mid dalka iyo dadkaba waxtara ee mid lagu cadaadiyo shirkadaha noqonmaayo,” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee wasaarada Boosaha Mudane Faysal Cali Sheekh Waxaanu intaa ku daray “Xukuumadda iyo qaranka Somaliland waxay ku taaganyihiin waa cashuuraha, waxay u baahan tahay in wixii qaranku xaq ugu leeyahay shirkadaheenna uu ka helaa waa waajib, iyadoo aan ahayn wax muhmal ah iyo wadahadal lagu gorgortamo ee ah qalab cad.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply