Wasiir Digniin u Diray Koox Abaabulaysa Falal Ka Soo Horjeeda Qaranimadda Somaliland

0
394

Hargaysa (DAwan): Wasiirka Ku xigeenka Wasaaradda  Qorsheynta Qaranka  Xasan Daahir ayaa sheegay in  aanay  xukuumadda  Madaxweyne Siilaanyo aqbali doonin cidii isku dayda inay wax u dhinto qaranimada Somaliland, isla markaana  tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii arrintaasi isku dayda.
 
Wasiirka ayaa hadalkiisani jawaab u yahay kooxo falal qaranimadda ku lidi ah abaabulayay oo ka soo jeeda gobolka Awdal, kuwaasi oo qaarna la qabtay kuwo kalena ay baxsadeen.
 
“Jamhuuriyada Somaliland nabad ayay ku soo caano maashay oo ay hormood ka ahaayeen salaadiinta iyadoo imika ay soo baxeen   salaadiin  oo ku hanjabaya inay wax samayn karaan oo dalka ay kala goyn karaan, waa mushkilad innagu  cusub, salaadiintana sidoodaba  waxay masuuliyadi ka saaran tahay sidii ay  isugu xidhi lahaayeen bulshadda,  oo ay ka shaqayn lahaayeen nabadda,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka qorshaynta oo ka hadlay xaflad shahaadooyin lagu gudoon siinayay koox dhalinyarro ah oo dhamaysatay tababar saxaafadeed.
 
Wasiir ku xigeenku waxa uu intaas ku daray “Ninka doonaya in uu mushkilad u horseedo bulshada Somaliland umalayn maayo in wax  u suurtogeli karaan, waxa uu noqon doonaa mid ka calaacala waxa uu ka helo arrintaas.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply