“Waxa La Gaadhay Xiligii uu Xisbiga WADDANI Caanno Dhanaan Sanka ka Keeni Lahaa”

0
413

Hargaysa (Dawan): Cabdi  Maxamed Saleebaan (Mingiste) oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE, ayaa sheegay in la gaadhay xilligii uu xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI sanka ka keeni lahaa caanno dhanaan.  
Mingiste oo shalay u waramay DAWAN,  ayaa sidoo kale xisbiga mucaaridka ee WADDANI ku eedeeyay inuu muddooyinkan dambe dalka ka bilaabay abaabul iyo  olole sharci darro ah oo aan weli xilligoodii la gaadhin,  isla markaana uu jabiyay  shuruucdii dalka.
 
waxaanu sheegay in C/raxmaan Cirro uu isku milay shaqadii golaha wakiiladda iyo ta xisbigiisa uu guddoomiyaha ka yahay ee WADDANI.   Isagoo xusay  in qaska ugu badan  xisbiga WADDANI  ay ka dhex wadaan xubno  xildhibaano ah oo aan weligood dib ugu noqon deegaamadii laga soo doortay  waxna u qaban, isla markaana shaqo ka dhigtay inay bulshadda majaro habaabiyaan iyo  xubno xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadda, hase yeeshee ku fashilmay xilalkii loo igmaday, kuwaasi oo hadda ku biiray xisbiga WADDANI si ay mansab uga raadsadaan, balse ay shacabku ka dheregsan yihiin in xilalkoodii horeba ay gudan waayeen.
 
Sidoo kale Cabdi Mingiste, waxa uu sheegay in beryahan danbe uu xisbiga WADDANI caado ka dhigtay  marka ay carqaladi la kulanto inuu xukuumada ku eedeeyo.
 
isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa iska caadi run ahaantiina waxaad moodaa  in beryahan danbe oo dhan uu xisbiga WADDANI  iska caadaystay in marka ay carqaladi la kulanto ama ay dhibaato la kulanto in meesha  keliya ee uu u qaadaa inay tahay dhinaca xukuumadda. Xisbiga WADDANI waxa uu jabiyay shuruuc badan oo uu wadankani leeyahay, waxaana ka mid ah waxaa isku milmay ama isku qasmay xisbigii WADDANI iyo golihii wakiiladda halkaasina dhibaato weyn ayaa ka taagan, waxaanad moodaa xafiiskii baarlamaanku inay noqday xaruntii xisbiga WADDANI, xaruntii golaha wakiiladuna ay noqotay meel uu xisbiga WADDANI leeyahay. Waxa kale oo jirta in xisbiga WADDANI uu bilaabay olole aan wakhtigiisii la gaadhin, maalin walba waxaynu aragnaa abaabul iyo buuq, dad basas lagu soo guray iyo dad calamo la ordaya, taasina waxaan qabaa in la gaadhin xilligeedii, waxaana haboon inay usgaan xiliga la bilaabayo ololaha, waxaanan ugu baaqayaa xukuumadda iyo xisbiyadda kaleba inay WADDANI fahamsiiyaan in aan la gaadhin xilligii ololaha iyo abaabulka”.
 
Waxaanu intaasi raaciyay “Waxaa jira niman xildhibaano ah oo ka tirsan xisbiga WADDANI, kuwasi oo aan dhulkii laga soo doortay, oo xisbigana qaska ugu badan ka dhex wada laba qolo, qolo xildhibaano ah oo dhulkii laga soo doortay aan war u haynin, waxna aan u qaban, laakiin ay shaqadoodu noqotay inay dadka ma jaro-habaabiyaan oo wax aan jirin ama warar aan xaqiiqo ahayn u sheegaan, qoladda kalena waxa weeye qayb xukuumadan hadda jirta, xisbiga KULMIYEna ka tirsanaan jiray xukuumadana xilal badan ka soo qabtay ka dib markii xilalkii ay hayeen ay ku fashilmeen siyaabo kala duwan oo  bulshadu ka dheregsan tahayna ay ugu fashilmeen dan mooday hadda inauy xisbiga WADDANI ku biiraan oo ay malaha halkaana xilal kale ka radiyaan, laakiin bulshadu way og tahay in xilalkii hore ee loo igmadayba ay ku fashilmeen. Haddii shuruucda iyo nidaamka aynu samaysanay tixgelinin waxaa imanaysa in dawladnimadda aynu samaysanay ee aynu haysanaa hirgelaynin markaa waxaan kula talinayaa xukuumadda iyo hay’adaha kale ee guurtidda iyo sharci dejintaba in la fahamsiiyo xisbiga WADDANI in aan la gadhin wakhtigii ololaha doorashadda, kicinta iyo hadaladda badan iyo durbaanka badan ay la sugaan wakhtiga doorashadda, waxaan ugu baaqayaa ama u sheegayaa xukuumadda inay taagan tahay hadda xilli loo baahan yahay ama la gadhay xiligii uu xisbiga WADDANI caanno dhanaan sanka iyo afkaba ka keeni lahaa, mana  haboona habkan ay  maanta ku ololaynayaan xisbiga WADDANI inuu yahay mid sax ah.”
 
Dhinaca kale Siyaasi Cabdi Saleebaan  (Mingiste)  ayaa xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ka difaacay eedo uu xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ujeediyay, kuwaasi oo ah in ay ka danbeeyeen weerar rabshado keenay oo Khamiistii todobaadkii hore ka dhacay Hudheelka Crown ee magaaladda Hargeysa halkaasi oo xaflad loogu qabtay taageereyaal ku soo biiray xisbiga WADDANI.
 
waxaanu sheegay in uu dhacdadaasi si gaar ah xog-ogaal ugu ahaa, isla markaana  daqiiqado yar ka dib markii ay rabshadaasi dhacday uu dhallinyarro ka mid ahaa kuwii falkaasi sameeyay kula  kulmay meel u dhaw hudheelka Crown, kuwaasi oo uga waramay sababta ku kaliftay inay rabshadaasi sameeyaan iyo waxa ay ka cadhoodeen.
 
Mingiste, isagoo ka hadlayay wixii ay xubnaha dhallinyaradda ahi u sheegeen waxa uu yidhi “Wixii ka dhacay maalitii dhawayd ee Khamiistii hudheelka Crown xisbiga WADDANI waxa uu ku eedeeyay inay xukuumadu soo abaabushay, waxaan doonayaa in aan cadeeyo in yar ka dib markii ay halkaasi wax ka dhaceen, waxaan kula kumay kaalinta shiidaalka ee Indha-birta oo ku taalla meel u dhaw Hudheelka Crown, waxaan kula kumay dhallinyaro aad u cadhaysan oo ii sheegay laba arrimood.Ta koowaad, waxay ii sheegeen in ay ka mid ahaayeen dhallinyaro ay xisbiga WADDANI basas ku soo gureen oo ay meesha u keeneen inay buuxiyaan hoolkii ay xafladu ka socotay si ay u noqdaan dad halkaasi uga sacabiya.Waxa kale oo qayb ka mid ahaa dhallinyaradaasi soo qaaday dad doonayay inay xisbiga WADDANI ku biiraan, oo dhallinyaradaasi ka dhiganayay ama tusayay xisbiga inay iyaga taageereyaal u yihiin.”
 
 
“Waxa kale oo ay dhallinyaradaasi ii sheegeen in labadii qaybood  qayb ka mid ah ay gudaha u gashay hoolkii ay xafladu ka socotay, lana siiyay lacag min $ 5 doolar ah, qaybtii kale ee dibadda joogtay ee albaabka laga xidhay oo doonayay inay iyaguna gudaha galaan si lacagtii loogu tallogalay la siiyom markaa halkaasi ayay cadhadu ka dhalatay, kuwii loo diiday in ay hoolka galaan ayaa  dibna u habar wacday dhalinyaro kale oo xaafadda degan, ka dibna halkaasi ayay rabshadu ka bilaabantay, sidaas ayaanay ahayd, wixii halkaasi ka dhacayna waxay ahaayeen mid ku dhex koobnaa dadkii ku soo biirayay WADDANI iyo xisbiga WADDANI dadkii ay soo abaabuleen laakiin ma jirto meel ay xuuumadda, xisbiga KULMIYE iyo cid kale ama shaqsiyaad abaabul ka qaybqaatay midna ma jirin” ayuu  yidhi Mingiste.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply