Imaam Abuu Xaniifa (Rc) Iyo Xikmadihiisa

0
743

Imaam Abii Xaniifa (rc) aya maalin ka sheekeeyay qisadan, waxaana  uu yidhi “ Anigoo ku jira safar miyiga aha ayaan haraaday , nin reer miyi ah oo aanu safarka ku kulanay ayaan ku idhi biyo uu ku sitay sibraar iga waraabi.
Ninkii reer miyiga ah aya ii diiday inuu i waraabiyo isagoo ii sheegay inaan ka iibsado. Waxaan ku idhi imisa ayaan ku siiyaa waxaana uu yidhi 5 dirham. Waxaan siiyay shantii dirham iyadoo maalinkaasi aan lacagba intaasi uun hastay. Muddo yar ka dib ayaan raashin aan sitay wax ka siiyay oo uu cunay  ka dibna wuu haraaday waxaana uu i wediistay inan waraabiyo. Waxaan ku idhi waan ka iibinyaa 5 dirahm ayaanan ka siinaya.  Lacagtii ayuu isoo celiyay biyihiina waan waraabiyay, weliba waxaan qaatay sibraarkii. Waxa fiican in aad had iyo jeer ku daadasho naxariista iyo wax bxinta, maxa yeelay aadamigu  ma baahi beelo. Kii aad xumaanta ku samaysay ayaad haddana markiiba u baahnaysaa.
Xikmado : Iska jir saddex   Balanka aad gasho fulintiisa – Wakhtiga aad cadhaysan tahay in aanad  go’aan qadaan.  _  Adigoo murugaysan.
Midabka Cadaanku maaha qurux madawguna maha foolxumo , maxa yeelay Kafantu waa cadaan lamana jecla waana laga naxaa.  Kacbaduna waa madaw waana mid qurux badan oo  la jecel yahay. Dadka akhlaaqdiisu maaha dharka iyo muuqaalkiisa ee waa ruuxda iyo waxa  ku qarsoon. Raganimadu haddii ay tahay codka dheer iyo qaylada, Eyga aya noqon laha kan ugu raganimada badan. Inta aanad eegin kan ka sareeya ee wax ku dheer u fiirso kan ka hooseeya ee aad wax badan dheer tahay ka dibna Allah (scw) u mahad naq, sabir oo dadaal  waad gaadhi kan  saareeya.

Leave a Reply