Dakhliga ay Helaan Ururada Jihaaddoonka

0
384

Baadhis ay BBC-du sameysay ayaa lagu ogaaday in kooxaha jihaad doonka ah ay yaraaneyso ku tiirsanaantooda deeqaha dhaqaale ee ay ka helaan hantiilayaasha.

Waxaa si heer sare ah loo ogaaday in ururada sida, Dowladda Islaamka, Taliban iyo kooxda ka dagaallanta Soomaaliya ee Al-shabaab ay helayaan ilo kale oo dhaqaale oo ay ka mid tahay alaab lagu iibiyo suuq madow, maamulidda kotorbaanka iyo iibinta khayraadka dabiiciga ah.

Baadhistan, oo ay ka qeybgaleen khubaro ka socotay machadka Royal, ayaa lagu ogaaday in kooxda ugu dakhliga badan inay tahay Daacish, xilligan casriga ah.

Waxaa lagu qiyaasay in sanadkastaa ay helaan lacag ka badan laba-bilyan oo dollar.

Leave a Reply