Isbadalka Cimilada oo Heshiis laga Gaadhi La’yahay

0
330

Wufuuda qaramada midoobey ee ka qeybgalaya shirka isbedelka hawada ee ka socdo dalka Peru, ayaa hal maalin uga dhimantahay inay heshiis ka gaadhaan yareynta qiiqa faraha badan ee hawada lagu siidaayo.

Werarka ka soo baxaya xarunta wadahadallada ayaa sheegaya inay umuuqato in aan la gaadhayn heshiis cusub jimcaha, iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry uu dalalka oo dhan ugu baaqayo in la joojiyo khilaafka, fursaddana laga faa’ideysto.

Mr Kerry ayaa sheegay in jiilalka mustqbalka ay eegi doonaan waxqabad la’aanta iyo fashilka dhacaya.

Dalalka qaniga ah waxa ay doonayaan in dalal badan ay wadaagaan culeyska xakameynta wasakheynta hawada, balse dalalka hormaray ayaa si adag u diiday arrintaasi.

Leave a Reply