Guddoomiye Ku xigeenka Baanka Oo Ugu Baaqay Golaha Wakiiladda Ansixinta Sharciga Baananka

0
341

Hargeysa (DAWAN)- Guddoomiye xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland Prof. Cumar Yuusuf Buux, ayaa ka hadlay faa’iidada dalka ugu jirta ansixinta xeerka baananka ganacsiga ee horyaalla Golaha Wakiiladda.
Guddoomiye Ku xigeenku waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay wargeyska DAWAN.
 
“Sharcigan Baananka Ganacsiga ee imika in muddo ah horyaala Golaha Wakiilada  Somaliland faa’iidooyin tiro badan ayuu dalka u leeyahay  ugu horayn haddii sharcigaa  la ansixiyo waxaa dalka imanaaya Baanan waaweyn oo ganacsi oo ajanabi ah oo dhaqalehoodii wata maal-gashigoodii wata, waxaanay wadanka ku soo kordhinayaan  maalgashi iyo shaqo abuur wata ganacsiyo, oo shaqo la’aantii wax weyn ka taraaya.
Waxa kale oo ay Baananka ganacsi  oo ay maal-galin siinayaan ganacsatada dabaqada dhexe  iyo kuwa yar yar oo ay  maal-galin siinayaan, markaa haddii xeerka la ansixiyo  dhaqaale kobcin baa  imanaysa oo shaqo la’aanta wax ka tarta mar haddii uu dhaqaaluhu kordho,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenku.
Cumar Yuusuf Buux Isagoo hadalkiisa sii watayna wuxuu yidhi “Waxa kale oo uu sharcigaasi keenayaa in Baananka imika jira ee Islaamiga ah iyo baanankaa ganacsi ee iman doona  ay tartamaan oo suuqa ganacsiga ee Somaliland ee xorta ah ay ku tartamaan, tartankaa ganacsiga xorta ah waxaa uu faa’iido u yahay shacbiga Somaliland oo shaqooyin maalgashi tartan ah uu  u keeni doona.”
 
 
Guddoomiye Ku xigeenka Baanku waxa uu Golaha Wakiiladda ugu baaqay inay meel-mariyaan xeerkaasi, waxaanu yidhi “Sharcigaasi wax weyn ayuu Somaliland tarayaa in badanna  ayaan annagu baan ahaan  ku talinay in sharcigaasi la Ansixiyo. Imika waan u soo jeedinayaa Golaha.”
 
 
 
Guddoomiye Ku xigeenka mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd in qaar ka mid ah culimadda dalku ay ku doodeen in sharciga baananka ee baarlamaanka horyaalla ay ku jirto ribo, waxaanu yidhi  “Horta baanka ganacsi ee madaxa banaan waxay ka jiraan  50 dawladood ee Islaam ah, Somaliland waa ka mid, waanay uga baahi badan tahay Qatar iyo  Sucuudiga iyo dalal kale oo Islaamka ah ee ay ka jiraan  baanankaasi, Somaliland sidaa si la mid ah  ayay ugu baahan tahay, duniduna maanta way isku wada xidhan tahay.”
 
Mar la weydiiyay Guddoomiye Ku xigeenka sharciyadda ay imika hayaan ku dhaqaan baananka waxa uu yidhi “Waxaanu haynaa  sharciga baananka Islaamiga ah  oo hore ayuu Baarlamaanku u ansixiyay sharciga Baananka Islaamiga ah iyo sharciga uu ku shaqeeyo baanka dhexe ee Somaliland iyo xawilaadaha lacagaha sharcigoodii shuruudaha lagu xidho baananka imika jira iyo kuwo iman doona waxa weeye in uu keeno  damaanad lacageed oo la isla yaqaano iyo inuu keeno jeeg lacageed oo la ogyahay inuu dhigtay baan  la yaqaano.”
Mr. Cumar Yuusuf waxa uu sheegay inay imika liisan siiyeen laba baan, kuwo kalena ay sugayaan inta sharciga la ansixinayo, waxaanu yidhi  “Imika waxaa aanu liisan siinay laba baan oo  Islamic  baan ah waxaa jira baanan  kale oo sugaaya  inta sharciga la ansixiyo.Haddii ay Baanankaasi  dhammaan sida caalamka Somaliland laamo ka furtaan, dhaqaalaha dalku wuu  kordhi doonaa,  baanka dhexena waxaa uu u shaqeyn doonaa si buuxda, maalgashi waaweyn oo Somaliland heshaana waxaa uu ku xidhan yahay sharciga oo la ansixiyo.”
Prof  Cumar  waxa uu sheegay in baanan waaweyn oo dalka Faransiiska laga leeyahay dhawr jeer dalka yimaadeen  oo sugayaan  inta sharciga baananku dhaqan-gelayo.
 
 
“Gudida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada dhawr jeer baana la kulanay oo u bandhignay baahida uu qaranku u qabo sharcigaasi,markaa waxaan ugu baaqaynaa Golaha Wakiiladda inay sharcigaasi u cuskadaan waxa ay kontonka dawladood ee islaamka ahi u cuskadeen, Somaliland-na way uga sii baahi badan tahay dalalkaas islaamka ah ee uu ka shaqeeyo nidaamka baananka caalamiga ahi,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka Baanku.
 
Prof Cumar waxa uu shacbiga Somaliland u soo jeediyay inay lacagta dalkooda aaminaan waxaanu yidhi “Waxaad moodaa in dadkeenna  ay aad ugu yar tahay wadaniyadu oo ay intooda badani xataa kuwa mushaharka dawladda  qaataa ay markiiba doolar doonayaan oo ay rabaan inay dolar kaydsadaan.taasi oo inagu kicinaysa doolarkii,  marka uu muwaadinku diido lacagtiisa.Dunida  ma dhacdo in aad koob shaah ah ku cabto lacag kale, Itoobiya waa lacagteeda, Kiiniya waa lacagteeda, haddii aad London joogto, haddii aad kun doolar haysato ilaa aad lacagtooda qaadato waxba lagaaga iibin maayo dolarkaas.”
 
Ugu dambayn waxa uu guddoomiye Ku xigeenka Baanka Somaliland ugu baaqay muwaadiniinta inay  qaataan kaadhka jinsiyadda dalka oo si ay uga faa’iidaystaan baananka caalamiga ah  oo qof kasta ku xidhi doona kaadhka jinsiyadda.
By: Idiris M.Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply