Hindise sharciyeedka ammanka Kenya

0
365

Baarlamaanka Kenya waxa uu ansixiyay hindise sharciyeed dood badan dhaliyay oo looga gol leeyahay in sare loogu qaado awoodda maamulka si ay wax uga qabtaan argagixisada iyo arrimaha ammaanka.
Xubnaha baarlamaanka ayaa waxa ay ku howlanaayeen dood kulul khamiistii ka hor inta aan la meelmarin hindise sharciyeedkaasi, ay mucaaradka sheegeen inuu ku xadgudbayo xuquuqda aasaasiga ah.
Kooxda Al-Shabaab ayaa waxay weerareen dalka Kenya dhowr jeer oo hore.
Hindisahan la soo jeediyay ayaa waxa uu siinayaa madaxweynaha iyo laamaha sirdoonka awoodo dheeraad ah.
Qoddobada hindisahan ku jira ayaa waxaa ka mid ah

  • In ay awood u leeyihiin maamulka in ay xidhaan dadka lagu tuhmo argagaxiso ilaa iyo sanad.
  • Sirdoonka oo la siiyo awoodo dheeraad ah oo ay ku dhageysan karaan xidhiidhka dadka iyagoo aan maxkamad ka helin ogalaansho.
  • Iyo weriyayaasha oo laga doonayo in ay fasax ka helaan booliiska inta aanay sameyn warbixinaha baadhitaanka ah ama aanay daabicin wararka la xidhiidha argagaxisada guddaha dalka iyo arrimaha ammaanka.

Hindise sharciyeedkan ayaa hadda waxa eegaya guddiga dib u eegida, ka hor inta aan loo gudbin madaxweyne Uhuru Kenyatta si uu u soo saxiixo.
Waxaana ay weriyayaashu sheegayaan in guddiga ay suuragal tahay in uu isbedel ku sameeyo hindise sharciyeedka maadaama ay axsaabta oo dhan ay taageersan yihiin.
Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in uu doonayo in hindisahan uu noqdo mid sharci ah sida ugu dhaqsiyaha badan.
 

Leave a Reply