Jaariyad Jidhdil geysatay oo la Maxkamadeeyay

0
365

Haweeney jaariyad guri ka aheyd oo laga duubay filim iyada oo dileysa, laadeysa oo sidoo kalena ku istaageysa gabadh yar oo ay xanaaneyneysay, ayaa lagu helay dembi ah in ay dhibaateysay gabadhaasi yar.
Dowladda ayaa ku doodeysa in Jolly Tumuhirwe, ficilka ay qaaday uu dhibaato u geystay gabadha yar oo ay nabaro ka soo gaadheen wajiga iyo dhabannada.
Jolly Tumuhirwe ayaa waxa ay qiratay in ay xad gudubkaasi geysatay.
Dembiya hore loogu heystay oo ahaa jidh dil ayaa la laalay, sababtuna waxa ay tahay in dacwad oogaha qaranka ee wadanka Ugandha uu sheegay in aan si degdeg ah loo cadeyn karin eedahaasi.
Jaariyadaasi ayaa waxa ay weydiisatay maxkamadda in loo dabciyo xukunka, sababtana waxa ay ku sheegtay in lagu qasbay in ay gasho ficilkaasi ay geysatay oo si qarsoodi ah looga duubay.
Waxa ay ku eedeysay gabadha yar hooyadeed in ay garaacday dhowr jeer.
Balse Angella Mbabazi, oo ah gabadha yar hooyadeed, ayaa diiday eedahaasi waxa ayna tidhi ‘sidee ayaan uga tagi karaa gabadh yar oo aan dhalay qof aan jidh dil u geystay’.
Miss Tumuhirwe ayaa waxa ay dib ugu soo laabaneysaa maxkamadda maalinta Isniinta ah si xukun loogu rido.
Waxa ay wajaheysaa xabsi ah shan sanno.
 

Leave a Reply