Mid ka mid ah Saraakiisha Calanka U sida Da’yarta Somaliland & Juhdigiisii 2003-dii Illaa 2014-kii

0
378

Hargeysa  (DAWAN)-Kabtan Nimcaan Yuusuf Cismaan, waa mid ka mid ah dhalinyarrada dedaalka weyn sameeyay ee qayrkood tusaalaha cad ee wax ku oolka ah u noqonaya.
Kabtan Nimcaan Yuusuf Cismaan waa sarkaal dhalinyarro ah oo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, waana Taliyaha ciidanka Komaandowsta Ciidanka qaranka .
Nimcaan waxa uu galay ciidanka qaranka sannadkii 2003-dii, 2009-kiina waxa uu ka mid noqday xubno ka mid ah ciidamadda qaranka oo deeq waxbarasho oo sare ka helay Kulliyadda ciidammadda dalka Itoobiya, waxaana halkaasi lagu soo carbiyay  muddo saddex sannadood ah, waxaanu kooraskaas waxbarasho soo dhamaystay sanadkii 2011-kii.
 
Isla Sanadkaa 2011 Kabtan Nimcaan Yuusuf Cismaan waxa loo magacaabay Taliyaha ciidanka Kamaandowsta, xilkaasi oo uu illaa imika hayo.
 
 
Kabtanku waxa uu imtixaan u galay, kuna guulaystay tababar ciidan oo sare oo ay bixisay UK international security course, waxaanu tabobarkaasi markii uu soo dhamaystay dib ugu soo laabtay dalkiisa Hooyo,waxaanu beeniyay fikrada ah inay dhalinyaradu aanay soo noqonaynin haddii aqoon korodhsi loo geeyo dalalka reer galbeedka.
Nimcaan Yuusuf Cismaan waxa tusaale ahaan loogu soo bandhigay shirweynihii qaran ee dhalinyarradda Somaliland toddobaadkii hore ay ku yeesheen Huteelka Guulleed ee Caasimadda Hargeysa, waxaana lagu amaanay inuu ka mid yahay dhalinyarada da’da yar ee nafahooda horumariyay, isla markaana ay ka go’an tahay inay dalkooda ugu adeegaan aqoontooda.
Nimcaan Yuusuf Cisamaan waa dhal mujaahid waxaanu aabihii ALLE ha u naxariistee  Marxuum-Yuusuf Cismaan (Yuusuf Gadhle) ka mid ahaa masuuliyiintii sar-sare ee Ururkii dib u xoraynta dalka horseedka ka ahaa ee SNM.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply