Ceerigaabo (Dawan): Hal qof ayaa la sheegay in uu ku dhintay shan qof kale in ay ku dhaawacmeen dagaal shalay subaxnimadii dhex maray laba beelood deegaanka Dhaadeedda oo ka tirsan gobolka Sanaag, sida uu noo xaqiijiyay badhasaabka gobolkaasi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo xalay telefoonka ugu waramay Dawan isagoo ku sugan magaaladda Hargeysa.
Dagaalkan oo u dhexeeya laba beelood oo deegaankaasi wada dega ayaa la sheegay in uu ka dhashay muran dhinaca dhul daaqsimeedka ah, Meesha uu dagaalku ka dhacay oo qiyaastii 150KM oo dhinaca koonfureed ah kaga beegan magaalada Ceerigaabo una dhaxaysa Fiqi fuliye iyo meesha la yidhaahdo Goof.
Badhasaabku waxa uu sheegay in Shanta qof ee dagaalkaasi ku dhaawacmay in qaarkood uu dhaawacoodu halis yahay, isagoo xusay in deminta shaqaaqadaasi ay ka hawlgaleen xukuumadda iyo maamulka gobolka Sanaag, isla markaana ay ku baxeen deegaanka ay wax ka dhaceen, ciidamo isugu jira boolis iyo miltari iyadoo dhinaca kalena ay joojintaasi arrintaasi ka qayb qadanayaan madax dhaqameed kala duwan oo ka kooban salaadiin, cuqaal, odayaal iyo waxgarad.
Ramaax isagoo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ceshiimo dhul ayay shaqaaqadu ka bilaabantay, ilaa hadda khasaaraha ka dhashay waxaan ogahay hal qof ayaa dhintay, dhaawacna ilaa shan qof ayaa la ii sheegay qaarkood waa halis dhaawacoodu.Ciidamadiina waanu wada hadalnay oo way ku baxeen, ciidanka qaranka iyo boolis labadaba iyo odayaal, anaga laftaydu diyaar garow ayaanu ku jirnaa waanan baxaynaa dhawaan, waxaanan rejaynaynaa in Illaahay hawshaasi nagu asturo oo aanay intaasi sii dhaafin.”
Sidoo kale Maxamuud Cali Saleebaan, oo aanu waydiinay waxa uu ka dhashay ama sababay dagaalka dhex maray labaddaba beelood waxa uu yidhi “Wuxu ka dhashay dagaalku waa ceshiimo dhul daaqsimeed, meeshani ceshiimaha labada walaalaha ah ayaa isku dila, wax ceshiimo la yidhaahdo oo aan gobolada kale ka jirin ayaa Sanaag ka jirta, halkan imika ay wax ka dhaceena waa meel mamnuuc ay ka tahay in ay cidiba ceshiimo ka samaysato. ilaa 150 KM ayay u jirtaa Ceerigaabo meeshan ay imika rabshadu ka dhacday waxaanay u dhaxaysaa Fiqi fuliyo iyo meesha la yidhaahdo la yidhaahdo Goof, waa Sool geri meeshii la odhan jiray, horena waanu uga dignay in aan cidi waxba ka samaysan karin, hase yeeshee dadkii ayuunbaa marka ay indhaha dawlada iska eegaan ayay dhul daaqsimeedkii la wada lahaa ceshiimo ka dhiganayaan”.
Badhasaabku, waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegayay in muddooyinkanba ay labadaasi beelood ee dagaalamay isku ciidan urur samayeen. Isaga oo meesha ka saaray in wax dhaqdhaqaaq dagaal u muuqdaa uu hore uga jiray deegaankaasi. “Waxba kama jiraan taasi oo aniga laftaydu hada waxa aan ka sokeeyay gobolka waa laba cisho, wax allaale wax dhaqdhaqaaq ahi kama jirin. Saaka (shalay subax) ayaanay bilaabantay oo beelo isku soo guurray weeyi, dabadeedna tacshiirad ayaa bilaabantay laakiin ma jirin wax dhaqaaq ah ama abaabul dagaal ah oo ka jiray muddooyinkan deegaankaasi”.
Gobolka Sanaag ayaa ka mid ah goboladda ay inta badan ka dhacaan dagaalo soo noqda oo dhex mara dadka reer guuraaga ah ee wada dega, dagaaladaasi oo khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawacba keena, badhasaabka oo aanu waydiinay waxa uga qorshaysan wax ka qabashada arrintaasi, waxa uu ku jawaabay “Arrimo badan oo aanu anagu islahayn way hirgaleen oo waanu ka qabanay oo ah horta ceshiimadda dhulka in aanu joojino wax cusub in aan la samaynin oo kale, waanu ku dhaqaaqnay. Hase yeeshee tani waxay u baahan tahay siyaasad kale oo gebigoodaba lagaga saaro ceshiimo wax la yidhaahdo, waayo ceshiimo dhul meel wax laga beerana ma aha, wax faa’iido ah oo ay leedahayna lama yaqaano. mida kale ummadda lafteedii ayaa aragtay dhibaatooyinkeedda, oo mika runtii aad iyo aad uga soo taagan, waxaanay tahay in taasi laga yeesho siyaasad qaran oo laga hawlgalo”.
Dhinaca kale Ramaax, ayaa ka dayriyay dhibaatadda lagu hayo dhul daaqsimeedkii dadka ka dhexeeyay, waxaanu sheegay in nin kastaaba uu seero ka dhigtay dhul aad u balaadhan. “Berigii hore waxaa jirtay Ceerigaabo buurta Surad la yidhaahdo ayaa ku taalla, inta Surrad ka soo jeeda ee Ceerigaabo u dhaw ayay dawladii Ingiriisku u ogolaatay in seero laga dhigo si xooluhu ugu soo fadhiistaan oo ay magaaladu caano uga hesho, ka dibna tii ayuunbaa la sii balaadhiyay oo imika maraysa xagan soke Ceel Af-weyn, xagga kalena ilamaa iyo meel fog. Had iyo jeer Badhan oo kale xeryaha Adhiga waxa loo isticmaalaa Dhagaxaan, dabadeedna qofkii hanta ma guurto ah oo kale ayuu ka dhiganayaa meeshii oo aanay cidiba ka daba degi karin, hase yeeshee xilligii abaaruhu ay jireen si fiican ayay yeeleen oo way u wda fasaxeen xoolaha waana la iska wada daaqayay. Meesha ay imika shaqaaqadu ka dhacday na maba ah meel laga ogol yahay ceshiimo, waa dhul daaqsimeed aanay cidi kala lahayn. Kolay dhakhso ayaanu uga hawlgelaynaa, waana waxyaabaha qorshaha noogu jira in aanu ka mamnuucno meelaha xoolo daaqeenka ah oo dhan ceshiimooyinka caynkaasi ah”ayuu yidhi badhasaabka Sanaag.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office