Maxaad ka taqaanaa 5 maafiyo ee caalamka ugu waaweyn?

0
801

Sida lagu faafiyey website ka loo yaqaano Insider Pro waxa sannadkan lasoo saaray 5 maafiyo ee caalamka ugu waaweyn,kuwaas oo lacago kala duwan ka hela waxyaalo kala duwan,sidoo kalena waxa la sheegay saamaynahay ku lee yihiin caalamka,waxaana kaalinta kowaad galay maafiyada loo yaqaano Yamaguchi Gumi waa koox maafiyo ah oo ka dhisan dalkaasi Japan,waana maafiyada ugu weyn uguna caansan caalamka,waxaanay helaan dakhli badan oo ay ka helaan iibka daroogada ,khamaarka,baada iyo dejinta khilaafaadka.
Waxaanay helaan lacag lagu qiyaasay inay gaadhayso ilaa $80 billion oo dollar,iyaga oo bilaabay shaqadooda boqolaal sanno ka hor,waxaana lagu nidaamiyaa ayna ka shaqeeyaan daafaca caalamka eek ala duwan.
Waxa iyaduna kaalinta labaad timid maafiyada lagu magcaabo Brothers of The Sun waana maafiyo ka dhisan dalkaasi Ruushka,waana maafiyo leh dakhli aad u badan,waxaanay gaadhaa lacagta ay dakhli ahaan haystaan $8.5 billion oo dollarka Maraykanka ah,waxaanay ka kooban tahay kooxdani ilaa 10 kooxood oo kala madaxbanaan,kuwaas oo mid waliba si gaara u shaqayso,laakin isugu yimaada Madaxa guud iyo magaca.
Xaga dakhli ururinta ayaa laga midaysan yahay ,waxaana loo soo ururiyaa siyaalo isku mid ah,waxaana jira Gole (Council )ka kooban 12 nin oo maamulka haya,si sannadle yaal ahna loo bedelo ,iyada oo ay dad u joogaan caalamka oo dhan,waxaanay isugu yimaadaan meelaha ay ku badan yihiin,waxaana la yidhaahdaa waxay ka kooban yihiin inta la og yahay ee la yaqaano ilaa 9000 oo qof,kuwaas oo ka ganacsada daroogada loo yaqaano Heroin-ta iyo dadka intaba.
Waxa iyaduna kaalinta saddexaad ku jirta maafiyada loo yaqaano Camorra waxaanay haysataa ama heshaa dakhli gaadhaaya ilaa $4.9 billion oo doolarka Maraykanka ah,waxaanay ka jirta waddamada Talyaaniga iyo Maraykanka,iyada oo isku xidh ka leh wadamadaasi,waxaanay ka ganacsadaan Dadka,Hubka,Mukhaadaraadka,Khamaarka,Ribada,Musuq maasuqa iyo lacagta Baada ah,waxaanay ku lee dahay fadhigeeda looga taliyo ee ugu weyn magaalada Naples.
Kaalinta afraad ayaa waxa ku jirta Maafiyada loo yaqaano Cocaine ,taas oo haysata dakhli dhan $4.5 billion oo dollar,waxaana laga lee yahay dalkaasi Talyaaniga ,waxaanay xarumo ku lee dahay dalkaasi Maraykanka,iyada oo xidhiidho kala duwana la leh maafiyaad ka jira dalkaasi Maraykanka dhexdiisa,waxa kale oo ay xidhiidho la lee dahay maafiyooyin kale oo ka jira Laatin Amerika,kuwaas oo ka taageera soo gudbinta daroogooyinka,iyada oo la keenaayo Yurub.
Kaalinta shanaad waxa ku jira maafiyada lagu magcaabo Sinaloa oo ah maafiyo xoog uga ganacsata daroogada kala duwan ,waxaanay dakhli ahaan heshaa lacag dhan $3billion oo dollar sannadkii,waana maafiyada ugu weyn ee ka jirta dalkaasi Migsiko(Mexico),waana mid kamid ah kooxaha daroogada isaga gudbiye suuqyadda Maraykanka Iyo Koonfurta Qaaradda Amerika-da Koonfureed.
 
 
 

Leave a Reply