“Xukuumadda Siilaanyo Way Ka Dhabaysay Inay Beelaha Gabooye Ka Dhex Muuqdaan Dawlada” Suldaan Nadiif

0
415

Hargaysa (Dawan): Suldaan Nadiif Saydh Jibriil, oo ka mid ah madax dhaqameedka beelaha dega Hargeysa ayaa sheegay in xukuumadda uu hogaamiyo ay  beelaha la hayb-sooco ee Somaliland ay fulisay dhamaanba waxyaabihii u balanqaaday sidoodii u fulisay, isla markaana ay tahay ta qudha ee beelahaasi sida gaarka wax ugu qabatay, siisay saamigoodii.
Suldaan Nadiif oo qoraal uu arrimahaasi  kaga hadlayo shalay soo gaadhsiiyay xafiiska wararka ee Dawan, waxa uu tilmaamay beelaha Gabooye ay si weyn  uga dhex muuqdaan hay’adaha iyo wasaaradaha dawladda.
Waxa kale oo uu sheegay Suldaan Nadiif, in xukuumadu ay lacagta fee ee Jaamacadda ka bixiso 40 arday oo ka soo jeedda beelaah Gabooye, isagoo xusay in tallaabooyinkaasi aanay beelaha Gabooye u qaban xukuumadihii kala danbeeyay ee soo maray tallada dalka.
 
Qoraalka uu suldaan Nadiif arrintaasi kaga hadlay waxa uu u dhignaa sidan:
 

  • Waa madaxweynaha qudha ee Beelaha Gabooye u qabtay wax la taaban karo, halka madaxweyneyaashii ka horeeyay haddii ay noqon lahayd xukuumadihii ka horeeyay ee Daahir Rayaale Kaahin, Maxamed X. Ibraahim Cigaal aysan wax ahmiyad ah siinin saamigii ay dalka ku lahaayeen.
  • Haddaba xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ballanqaadkeedii  ahaa in ay beelaha Gabooye ka dhex muuqdaan Wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa banaana ee dawladda.
  • Waxqabadkii uu u qabtay Beelaha Gabooye waxaa ka mid ah:
  1. a)      Wuxu soo jeediyay mar haddii  aanay dadkani codku soo baxayn in loo qoondeeyo kuraas saami-qaybsi (KOOTO) ah, musharaxiinta beelaha Gabooye una gudbiyey Baarlamaanka  JSL. Taasna anaga oo ah Gabooyaha Hargeysa degan ayaa diidnay, Madaxweynaha  iyo Baarlamaanka way ansixiyeen, balse waxa diiday Gabooyaha Hargeysa  degan oo laalay.
  2. b)      Wuxu shaqaalaysiiyay aqoonyahankii Beelaha Gabooye ee dhallinyarada ahaa, oo tira ahaan  dhan 52 dhallinyaro ah rag iyo dumarba, waxa iyadana keli ku ah Gabooyaha reer Hargeysa, inta  gobolada kale degan waxba kagama jiraan.
  3. c)       Waxay dawladu ka bixisaa feega Jaamacadaha dhallinyaro fara badan oo ka soo jeeda Beelaha Gabooye, waxay asteeyeen 40 arday. Taasna waxa keligood qaatay Gabooyaha reer Hargeysa, iyadoo gobolada kale ay weli ka qatan yihiin.
  4. d)      Wuxu noo magacaabay la-taliyaha beelaha Gabooye oo aanaan hore u lahaan jirin.
  • Waxa wax Illaahay loogu mahadnaqo ah waxqabadkaa cad ee ay noo qabatay  xukuumaddu, waxaan ka rajaynaynaa in aanu ku koobmin intaas ee aanu u baahanahay Wasiir buuxa  in aan ku yeelano iyo agaasimeyaasha guud in uu noo magacaabo madaxweynuhu.
  • Waxa kale oo aanu ka codsanaynaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland , talo-bixintii guddida daraasaynta xoojinta kaalinta beelaha Gabooye ee ka qaybgalka siyaasada, taas  oo uu Madaxweynuhu u gudbiyay Golaha Baarlamaanka waxaan kaa codsanaynaa in aad dabada ka riixdo sidii loo ansixin lahaa (Kootada). Haddaba Mudane Madaxweyne maadaama aad hore noo siisay Kootada balse Gabooyaha reer Hargeysa ayaa ku mucaaraday, iyadoo aan Gabooyaha degan dalka goboladiisa kala duwan waxba ka ogayn. Sidaas darted, waxaan Mudane Madaxweyne kaa codsanaynaa in aad noo soo celiso Kootadaas. Waxaan ugu dambayntii u soo jedinayaa inay taageeraan xukuumadda.

 
Dhinaca kale Suldaan Nadiif Saydh Jibriil, ayaa ugu baaqay qurba joogta ka soo jeeda beelaha Gabooye ee dhaliila xukuumadda in ay iska joojiyaan arrimahaasi, isla markaana looga baahan yahay in ay bulshadooda gudaha wax u soo qabtaan.
 
Waxaanu yidhi “Waxaan u caddaynayaa Gabooyaha ku dhaqan dalka dibediisa (qurbaha) in aysan waxba ka jrin waxa la idinka soo gudbiyo Hargeysa, waayo waxa lagu been abuurtaa reerka, iyadoo dano shaqiyadeed ay ku baadhaan dawlada iyo dibadaba.Waxaanan idinka codsanayaa in aad idinka laftiinu dadkiina wax soo tartan oo soo caawisaan mucaaradada aan wax tarayn looma baahno, waxaanad iska ogaataan in been la idiin sheego.Madaxweynaha waxaan ka codsanayaa inuu gobolada dalka dadka ku dhaqan ee Gabooye hoos u eego, oo aanay reer Hargeysa keliya noqon waxtarka dawladu.
(Waxaan idiin sheeayaa in Suldaan nadiif ahaan Madaxweynaha is arag muddo saddex sanno ah, haddaad isleedihiin Suldaanku Madaxweynaha wuu u gala oo ma gacan la’a), waana in la sheegaa qofka waxqabadkiisa. (Waxaan leeyahay aynu iimaansano waxqabadka Madaxweynaha.”
Waxaanu intaasi ku daray suldaanku “Waxa xasuus mudan, waqtigii dawladii Siyaad Barre, Beelaha Gabooye waxay lahaayeen Suldaan keliya oo la odhan jiray Suldaan Shiine Sooye sidaas darted, maanta Somaliland Beelaha Gabooye waxay leeyihiin Salaadiin ka badan 10 oo iskood isku magacaabay dawlada Somalilandna way ansixisay. Haddaba waxa iswaydiin leh maanta marka la isbarbar dhigo waqtigaas iyo maanta beeaha Gabooye  kaa baa la yasay, keebaase ay dalaceen? Maantay dalaceen, xuquuq ka maqana ma jirto ee iimaansada Gabooyaha mucaaradka ah ayaan leeyahay.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply