Booliiska Turkiga oo Xidhay Shaqaale TV

0
359

Boliiska Turkiga ayaa xidhay in kabadan labaatan shaqaale TV iyo wargays oo xidhiidh la leh Sheekha mucaaradka ee Fethullah Gulen.
Waxaa looga shakisan yahay inay sameeyeen koox hubaysan oo argagixiso ah ayna doonayaan inay waddanka qabsadaan.
Aqoonyahanada ayaa sheegaya in xidhitaanka uu muujinayo dhibka ka jira dowladda Turkiga ee u dhaxeeya madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo Mr Gulen, oo lagu eedeynayo inuu dowlad kale doonayo inuu ka dhex sameeyo waddanka.
Hawlgalka boliiska ayaa yimid sanad kadib markii ay soo baxeen eedeymo musumaasuq ee dowladda Erdogan.
Dowladda Erdogan ayaa sheegtay in eedeymaha ay ahaayeen qorshe lagu doonayo in lagu rido oo uu taageerayay Mr Gulen.
 
 
 

Leave a Reply