Daraasad cusub ayaa shaacisay in buurnida xad dhaafka ay cimriga qofka soo gaabiso. Daraasadan oo laga qaaday dad kumanaan qof ah oo dhalinyaro da’doodu tahay 20 sano iyo kuwo da’ weynba ayaa cadaysay in buurnida iyo baruurta badani ay saamayn weyn ku leedahay caafimaadka qofka. Daraasadan oo ay qaadeen khubaro Maraykan ah ayaa sheegtay in buurnida iyo baruurta xad dhaafka ahi ay saameeyaan shaqada wadnaha iyo dhamaan dareenada jidhka. Waxaana ay tani sababtaa xanuunada wadan xanuunka iyo faaligga marka laga yimaado kaadi macaanka oo ay aad sabab ugu tahay dadka baruurta badan.