Ugu yaraan 129 mayd ayaa laga soo saaray harada Tanganyika ee Jamhuuriyada Koonga Kinshasa, kadib markii ay dooni ay saaraayeen kula qaraqantay Jimcihii haradaasi.
. Sida uu sheegay wasiirka gaadiidka gudaha Laurent Sumba Kahozi baadhitaanka ayaa weli socda.
Shaqaalaha gurmadka ayaa Axadii shalay ka helay biyaha dad ku dheggan jirikaano iyo waxyaabo kale oo la sabbaynayay.
Warfidiyeenada ayaa sheegaya in ay had iyo jeer shilalka noocan ahi ka dhacaan gobolka maadaama ay badanaa doonyaha la raaco la buux dhaafiyo.
Sida la sheegayo tirada kuwa badbaaday ayaa gaadhaysa 232, oo badankoodu yihiin rag.
Haseyeeshee inta dhimatay ayaa u badnaa dumar iyo carruur.