“Lacagtani Waa Gunno Shaqaalle oo Nidaam Leh, lamana Lunsan Karo”

0
377

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland Dr.Cismaan Xuseen Warsame, beeniyay isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay war lagu baahiyay warbaahinta oo sheegayay in masuuliyiinta sar-sare ee wasaaraddu ay musuqeen lacago gunooyin ah oo loogu tallo-galay shaqaalaha xarunta guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland.
 
Dr. Cismaan Xuseen Warsame waxa uu sheegay in wasaarada caafimaadku ay ku dadaasho sidii loo dhaqaalayn lahaa shaqaalaha wasaarada caafimaadka oo ah dad heegan ugu jira horomarinta caafimaadka bulshada isla markaana ay u raadiyaan gunooyin lagu kabo mushaharka dawlada siiso.
Agaasimaha guud  waxa uu ku dooday in haay’adaha bixiya kharashka iyo wasaarada caafimaadku ay leeyihiin qorshe cad oo lagu maamulo lacagahaasi oo dheeli tiran isla markaasina aanay suurto gal ahayn in la khiyaamo isla markaan la musuq-maasuqo.
Agaasimaha guud  wax uu sheegay in lacagta la sheegayo in la lunsaday ay la mid tahay  lacagaha kale ee Haayaduhu ku kabana  wasaarada waaxaheeda oo aanay ka duwanayn isla markaana aanay jirin hab loo musuqo, tiradda rasmiga ah ee haayadaha iyo dalalka lacagtan bixiyaa ay ogolaadeen inay guneeyaana ay tahay 46 qof oo la wada ogyahay.
 
“Gunadann i kama duwana kuwa kale aan idiin soo sheegay dadka ka shaqaynaya HIV-ga gaar bay u leeyihiin, maleeriyada gaar bay u qaataan, TB-du gaar bay u qaataan, wax haba yaraatee ay kaga duwan tahay ma jirto, nidaamka   loo raacayeyna cid walba way garanaysaa ee maaha wax maanta aynu isku sharaxayno, waxa weeyi wax ay haayado ka soo shaqeeyeen, maaha wax la lunsan karayo waa shaqaale la siiyey gunno yar oo loogu tallo-galay in lagu kabo mushaharkooda, waxaan jecel nahay,  markaa in runtii hadaladaa mala’awaalka ee been abuurka ah aanay  waxba ka jirin, annaguna aanu had iyo jeer  aanu shaqaalaha xuquudooda ilaalino, markaa waa gunno loo dhigay si cilmiyeesan oo dhakhaatiirtii iyo dadkii u qalmayba la siiyey,”ayuu yidhi Agaasimaha Guud.
 
Dr. Cismaan wax uu ugu baaqay bulshada in aanay dhagasanin wararka ku tiri ku teenka ah ee bulshada lagu dhago barjeynayo xaqiidadana  lagu qarinayo, waxaanu yidhi   “Markaa arrinkaa la leeyahay Wasiirka iyo agaasimiha ayaa dadkii ay doonayeen  ku qortay liiska oo dadkii kale ka reebay , waxaan idiin sheegayaa in arrinkaasi yahay been qayaxan oo sal iyo raadtoona lahayn lana doonayo in  qiiq lagu qarinayo hormarka ay wasaaradu gaadhay.”
By: Cabdi M.Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply