Shanta Sharkadood Ee Ay Shaqaalaha Ugu Badani Aduunka Ka Shaqeeyaan

0
392

Badweynta dhaqaalaha ayaa ah mid midaad aragtaaba ay ta kale ka yaab badan tahay, waxaynu qoraaladeenan Xulashada Dhaqaalaha kusoo qaadanaa mawduucba mawduucuu ka soo jiidasho badan yahay kuwaas oo lagu daabaco mareegaha ka hadla arrimaha dhaqaalaha.
Waxaynu qormadan kusoo qaadanaynaa qaar ka mid ah sharkaddaha ay shaqalaha ugu badani u shaqeeyaan, qormadeenan Xulshada Dhaqaalaha midiba midbay ka yaab badan tahaye hoos kaga bogo tirade shaqaalaha u shaqeeya inta ay leegyihiin…
1.Sharkadda ay shaqaalaha ugu badani u shaqeeyaan ayaa ah Wal-Mart Stores Inc taas oo ay u shaqeeyaan tiro shaqaale dhan 2,200,000 (Laba milyan iyo laba boqol oo kun) taas oo ku taala dalka Maraykanka iyadoo dakhliga soo galena uu yahay $ 476.3 Billion iyadoo sharkadani ka shaqaysa nooca ganacsiga ee looyaqaan Retail oo noqonaysa sharkad agabyada sii iibisa. Shaqaalahan intaas leeg ayay ku noqotay sharkadda ay tirade ugu badan ee shaqaale ahi u shaqo tagaan.

  1. 2. Sharkadda labaad ee ay tirade shaqaalaha ugu badan aduunku ka hawlgalaan ayaa ah G4S plc iyada oo ay tiradoodu dhantahay 6,18,000 shaqaale (Lix boqol iyo sided iyo toban kun), sharkaddan oo xarunteedu tahay dalka Ingiriiska, waxa lagu qiyaasaa dakhliga soo gala sharkaddan $ 12.3 Billion, sharkaddan ayaa adeegyada ay ka shaqayso waxa ka mid ah inay tahay sharkada arimaha nabad galyada ka shaqaysa.
  2. Sharkadda kaalinta saddexaad ku jirta ee shaqaalaha ugu tirade badani u shaqo tagaan ayaa ah sharkadda Randstad Holding NV iaydoo shaqaalaha u shaqeeya lagu qiyaasay inay yihiin 595,730 shaqaale (Shan boqol iyo shan iyo sagaashan kun, todoba boqol iyo sodon shaqaale), iyada oo dakhligeedu yahay $ 22.8 Billion. Waxayna sidaasi ay ku noqotay sharkadda kaalinta saddexaad kaga jirta sharkaddaha ay dadka ugu tirade badani u shaqeeyaan.
  3. Sharkadda kaalinta Afaraad kaga jirta sharkaddaha shaqaalaha ugu badani ka shaqeeyaan ayaa ah sharkadda Volkswagen AG iyadoo tirade shaqaalaha ka shaqeeyaa ay dhan yihiin 555,097 shaqaale (Shan boqol shan iyo koton kun iyo shan iyo sagaashan shaqaale), dakhliga sharkaddabn ayaa gaadhaya $ 271.3 Billion, waana sharkad ka shaqaysa warshadaha, iyadoo fadhigeedu yahay dalka Germany.
  4. Sharkadda kaalinta Shanaad kaga jirta sharkadaha aduunka ugu shaqaalaha badan ayaa ah sharkada Petro China Co. Ltd iyada oo ay ka shaqeeyaan shaqaale dhan 544,083 shaqaale (Shan boqol afar iyo afartan kun iyo saddex iyo sideetan shaqaale), waxaanu dakhliga soo gala dhan yahay $ 373.0 Billion, waana sharkad ka shaqaysa saliida iyo gaasta, xarunteeduna waxa weeyi dalka China.

Leave a Reply