Suxufi Sheegay Inuu Jinka Sawir Qaaday

0
494

Gabadh yar oo uu dhalay Jhonson ayaa iyaduna waxay bilwoday cabsi iyo oohin joogto ah, waxayna ka cabtay waxyaabo qariib ah oo ay aragto. Markii uu aabaheed weydiiyay waxay aragto waxay bilowday oohin ay kala joojin weyday, waxaana ay cuni weyday raashinka.  Gabadhan yar ayaa aabaheed u sheegtay inay argato bisad madaw oo fadhida sariirta dhinaceeda taasi oo indhaha ku gubaysa oo si cabsi leh u eegaysa, waxa kale oo ay aabaheed u sheegtay inay aragto nin muuqaalkiisa ay ka cabsatay oo timaha jiidaya isla markaana dhibaateeya.
Weli Jhoson ma rumaysan waxa gurigiisa ka dhacaya inay xidhiidh la leeyihiin dunida qarsoon ee Jinka, haddana waxa tafsiir iyo sharaxaad ah waa uu u waayay.  Ugu danbaystiina soo jeedin ka timi gabadhiisa wuxu go’aansaday inuu qoyskiisu ka guuro guriga laakiin uu isagu iska degenaado si uu u ogaado sirta ka danbaysa waxan dhacaya. Saaxiibadii iyo gabadhiisa ayaa kula taliyay inuu xidhiidh la sameeyo dadka rooxaanta xidhiidhka la leh ee magaalada si ay arinkan wax ugala qabtaan laakiin taasi waa uu diiday isagoo aad uga cadhooday oo sheegay in aanu weligii talo wediinayn beenalayaasha iyo kuwa falka yaqaan.
Jhonson  ayaa Habeen gudcur ah oo aad modow ka toosay hurdadii waxaana uu arkay Bisad madaw oo sariirtiisa dhinac fadhida oo ku soo eegaysa indho ay ka muuqato cadho iyo xumaan.  Jhoson ayaa si aragagax leh uga booday sariirta waxaana uu shiday laydhkii isagoo doon doonaya bisadii , laakiin way is qarisay. Gurigii ayuu baadhay oo ku noqnoqday laakiin kamuu helin wax raad bisadeed ah. Wuxu is weydiiyay xagee ayay gashay? Hadana waxa uu is weydiiyay oo xagee ayay marka hore ka timi albaabkii iyo daaqadihii way xidhan yihiin ? Wareerka habeenkaasi kama bixin maskaxda Jhonson, gaar ahaan sidii cabsida lahayd ee ay bisadu usoo eegaysay.  Waxa uu xusuustay hadalkii inantiisa yar ee uu dhalay. Maskaxdiisa waxa ku soo noqnoqday Bisada madaw , ugu danbaystiina wuxu goostay inuu qaato talada saaxiibadii oo uu xidhiidh la sameeyo kuwa rooxaanta la shaqeeya.
Sanadkii 1933 habeeen roob iyo dabayl badan oo jiilaal ah ayaa gaadhi Ford ah oo madow  oo noociisu ahaa kuwii qadiimiga ahaa uu gurgiisa isa soo hor taagay. Gabadhiisa Elisabeth oo da’ ahaan dhexdhexaad ahayd  ayaa u dhaqaaqday iyadoo huwan go’ madaw , wejigeeduna aanu aad u muuqan kan furtay alaababka. Jhonson ayaa si fiican usoo dhoweeyay martidiisa isagoon garanayn, iyadoo ay la joogeen laba saaxiib oo kale oo midkood suxufi qoraaya uu ahaa. Saaxiibadii habeenkaasi markii uu arinta uga sheekeeyay waxay kula taliyeen inuu si degdeg ah xidhiidh ula sameeyo kooxha rooxaanta xidhiidhka la leh… La soco
 
 

Leave a Reply